Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
    Wasiirka Arrimaha Dibadda oo WFP kala hadlay Isuduwidda Howlaha Gargaarka
    November 8, 2025
    Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qaybgalay shirka Wasiirrada dalxiiska Qaaradda Afrika
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Shidaalka ugu horreeya oo laga qodi doono Mareeg ilaa Hobyo (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Shidaalka ugu horreeya oo laga qodi doono Mareeg ilaa Hobyo (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Shidaalka ugu horreeya oo laga qodi doono Mareeg ilaa Hobyo (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 14, 2024
5 Min Read
Share

Sannadkii 2020-kii, shirkadda sahaminta ee Norway, TGS, ayaa ku qiyaastay in qeyb ka mid ah badda Soomaaliya uu ku jiro keyd Saliid oo ku dhow 30 Bilyan oo Barmiil (Fuusto), oo leh keyd dheeraad ah oo badda ah, in kasta oo qiyaasaha dhulku ay aad u yar yihiin. Si kastaba ha ahaatee su’aal kama taagno in Soomaaliya ay ku fadhido keyd shidaal oo weyn, bad iyo berriba, balse weli lama hayo qiyaas rasmi ah oo lagu tiirsanaan karo, taas oo sida oo kale sheegi karta tiro fuustooyin ah oo guud ahaan ku jirta dhulka iyo badda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dabayaaqada sannadkan 2024-ka billowdo qodista Ceelkii shidaalkii ee ugu horreeyay dalka laga soo saaro, iyadoo shirkadda qandaraaska lagu siiya ay durba bilowday in ay asteyso meesha ugu haboon ee laga duleelin karo Ceelka ugu horreeyay ee shidaalka laga soo saari doono, kaasi oo ku yaal Aagga ku aadan xeebta Mareeg ee Degmada Ceeldheer, Degmada Xarardheere iyo Degmada Hobyo, kuwaasi oo ka kala  tirsan Gobolada gobolka Galguduud iyo Mudug.

Soomaaliya hadda waxay mareysaa meeshii ugu fiicneyd, taasi oo aan tusaale u soo qaadeynaa nabadda iyo xasilooni siyaasadeed ee ka jirta dalka, dowlad hadaad maqasho waa shacab iyo dowlad iskaashaday, iyo dhanka kale waxaa dalka loo sameynayaa shuruuc kala duwan, marka intaasi laga gudbi ayaa waxaa loo tilaabsanayaa in laga faaideyso kheyraadka dalka ku jira.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo ka qeybgalay kulanka todobaadka Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in aysan jirin shirkad si gaar ah heshiis loola galay oo soo saaareysa shidaalka dalkeena, balse uu jiro tartan furasn oo fursad u ah shirkadaha caalamiga ah. “ Deegaanno ka mid ah Gobolada Dhexe ee Dalka Soomaaliya waxaa ku jira ama dhex ceegaaga Gaas iyo Batrool is dul saran, lagamana helo caalamka shidaal noocaas oo kale ah”.

“Maanta oo aan helnay shidaal waxaa loo bahan yahay in laga faa’ideysto soo saarista kheyraadka ku jira badda iyo berrigga si aan u gaarno horumar boqolka sano ee soo socda”, ayuu yiri Wasiirku. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta XFS waxa uu ka dalbaday shirkadaha caalamiga ah in ay ku soo dhiiradaan dalka, islamarkaana ay la yimaadaan kalsooni dhab ah oo lagu qabi karo shaqadooda”, sidaasi waxaa yiri:- Mudane Cumar Maxamed.

“Soomaaliya sanadkii 2014-kii ayaa laga sameeyay sahan shidaal oo qiimeyn ah, taasi oo laga bilaabay degmadooyinka Hobyo ilaa iyo Kismaayo, waxaana la ogaaday in dalkeenna uu ku jiro 30 Bilyan oo shidaal ah, ilaa muddadaasi waxaa laga shaqenayay sidii loo soo saari lahaa yo shuruucdii lagu soo saari lahaa, iyadoo sharciga shidaalka la ansixiyay sanadkii 2020-kii”, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batrool iyo  Macdanta Maxamed Xaashi Cabdi (Carabeey).

Sahanadaasi ayaa waxaa lagu ogaaday ama la diyaariyay 16 Block ama Xirmo oo Seddex iyo Toban ka mid ah ay tahay gudaha Badda, halka Seddex Xirmo oo ka mid ah ay tahay dhulka, waxaana lagu wadaa in Bish Oktoobar bilowgdeeda in uu dalka iman doona Markab ay dowladda Turkiye leedahay, iyadoo 3 block ama Xirmo oo ka mid ah qaatay, sidii loo sameyn lahaa sahankii qiimeyntii ugu dambeysay, kuwaasi ama Xirmooyinkaasi oo ku yaalla xeebta Mareeg iyo Xarardheere ilaa iyo Hobyo, sahankaasi waxaa lagu sameynayaa ilaa iyo hal bil, kadib waxaa la filaa in Markabkii shidaalka soo saari lahaa oo isna la filaayo inuu yimaado goobahaasi inta u dhaxeya bilaha Janaayo iyo Febraayo, wuxuuna heli doonaa barta Ceelka laga qodayo, si uu u bilaabo qodista iyo soo saarista shidaalka, sida uu sheegay  Agaasime Maxamed Xaashi Carabey.

“Bisha Febraayo 2025-ka waxaa shidaalkii ugu horreeyay laga qodi doonaa deegaanka Cigo ee Degmada Ceeldheer ee Bariga Gobolka Galguduud ee Maamulka Galmudug”, sidaasi waxaa yiri:- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka Maxamed Xaashi Carbeey.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka

Muqdisho,(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya ahmiyadda ay leedahay…

November 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Baqdaad kula kulmay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdul Salaam Cabdi Cali, ayaa magaalada Baqdaad kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo…

Gudaha
May 16, 2025

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Oo Kormeeray Xarunta SNTV Ee London

Muqdish(SONNA):-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale oo howlo shaqo u jooga magaalada London ee dalka…

GudahaWararka
December 19, 2022

Madaxweynaha JFS oo maanta soo gabagabeyn doono socdaalkiisa rasmiga ah ee Ethiopia

Muqdisho(SONNA);-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalintii labaad ku sugan Itoobiya kadib casuumaaddii uu u fidiyay Ra’iisul…

GudahaWararka
January 12, 2025

Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka oo Shir uga qayb galay Talyaaniga

Italy(SONNA):-Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi…

GudahaWararka
April 20, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023