Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
    Wasiir dowlaha wasaaradda tamarta iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Shir uga qayb galay Accra
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Soomaaliya Cadowgeeda koowaad waa Xabashida (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Soomaaliya Cadowgeeda koowaad waa Xabashida (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Soomaaliya Cadowgeeda koowaad waa Xabashida (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: September 1, 2024
6 Min Read
Share

Cadowtinimada Soomaalida iyo xabashida waa mid soo soo jireen ah, waxa uuna ka soo bilowday Qarniga 15-aad, waxaana halganka Shumaca shiday Al- imam Axmed Gureey, waxaa kaloo Labada dal ay horey u dagaalameen labo jeer, kuwaasi oo kala ahaa sanadadii 1964-kii iyo 1977-kii. Mar walba dagaalku wuxuu lahaa ruux iyo waxyaabo kiciya dareenka dadka oo Dowladihii jiray u sahlay inay shacabku bixiyan xoog, Xoolo iyo Naf, Madaxdooda adeeca, oo hadalkoodana loo hoggaansamo.

Sida ku xusan diiwaanka, dagaalkii 1964-kii, Dowladdu waxay dadka ku kicineysay dhulka maqan iyo wadaniyad waxaana joogtay madax lagu yaqaano wadaniyad oo indho u ahaa dagaalka sida Aadan Cabdulle Cusmaan ‘Aaden Cade’, Cabdirashiid Cali Sharma’ake, Cabdullaahi Ciise iyo Jeneraal Daaud dhammaantood allaha u naxariistee, halka Dagaalkii 1977-kiina, ruuxda dagaalku waxay aheyd inay Soomaali leedahay awood ciidan iyo hub ay dhulka maqan ku soo ceshato, waxaana joogay madax iyo saraakiil kalsooni ciidan lagu qabo oo dagaalka hormuud u ahaa sida Gen.Maxamed Siyaad Bare, Gen.Maxamed Cali Samatar, Maxamed Nuur Galaal, Gen. Neero, Col. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiil kale.

Hadda mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne ka ah Jamhuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waana ku kalsoonahay inuu ka soo bixi karo inuu mar kale difaaco Qaranimada, Madaxbanaanida, shatafta iyo karaamada Dalka iyo dadka Soomaaliyeed, sida uu u difaacay damacii guracnaa ay dowladda Kenya u damacday Baddeena oo aan heer Maxkamdeed isla gaarnay, haddana waxa uu heli karaa cid uu la kaashado, maadaama uu dalkeennu ku jro dib u soo kabasho, burburkii dalka kadib, waxaana si xoowli ah u socda dib u dhiska ciidanka Qalabka Sida iyo qalabeyntoodaba.

Wasiir ka tirsan Dowladda Itoobiya ayaa dhawaan Soomaalida u maana sheegtay, isagoo leh Soomaaliya waxa aan ku bixinay Naf iyo Maal fara badan, balse waxaa la garamay masuul ka tirsan dowladda Soomaaliya,“Waa jiraan Ciidamo Itoobiya iyo guud ahaan howlgalka ATMIS uga dhintay dagaalka lagula jiro Khawaarijta, balse taasi micnaheedu ma ahan aan baddaada iyo dhulkaaga qaato, intaasi waxaa ka badan inta nooga dhintay si dalka looga xoreeyo gumeysiga”, sidaasi waxaa yiri:- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee XFs Mudane Axmed Macallim Fiqi, wuxuuna intaasi raaciyay inaysan jirin wax gooya qiimaha wadajirka dhuleed iyo badeed ee Soomaaliya, haddii ay tahay maal ama dhiigba.

Hadalka Wasiirka ayaa daba jooga hadallo xanaf lahaa oo ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya mar uu  shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda ayuu ka hadlay qodobbo dhowr ah oo ku saabsan halka ay marayaan wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya, wuxuuna dhaliilay hadallo ka soo yeeray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Itoobiya, isagoo carabka ku dhuftay in hadalada xanafta ah ay sii adkeynayaan Xaaladda haatan jirta.

Wasiirka oo ka jawaabayay hadaladii Itoobiya ee ahaa ‘in ay jiraan ciidamo Itoobiyaan ah oo dhiig u huray difaaca Soomaaliya’ ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ay sidoo kale gacan ka geysteen dilka in ka badan 20 kun oo Soomaali ah intii u dhaxeysay sanadihii 2007-2008-kii, sidoo kalena ay burburiyeen hanti dadweyne, ayna sababeen barakaca Dad gaaraya 800 kun oo qof.

Dhinaca kale Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo aan aqoon qaabka ama fahansaneyn Mucaaradnimada ayaa Warbaahinta la soo taagan Erayo munaasab ku aheyn xilliga la joogo, loona akhri karo ‘Qaai’inu Wadan’, marka Xildhibaan Zama Zam Muxumad Cumar ‘Gobsan’ oo Qolooyinkaasi ka hadleysay ayaa tiri:- “ War waxaasi Mucaaridnimo ma ahane, Mucaaradnimo anagaa ku soo Caana maalnaye, adinku wixiina mucaaradnimo ma ahane, waa ku macno beeleysiin”, taasi oo loo fasiri karo ‘Mucaaradnimadiina mid maca leh ma ahan, marka loo eego waaqiga jira iyo xaaladda markaasi taagan.

Marka laga hadlaayo heshiis yaa gali kara? “Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyada” sidaasi waxaa yiri:- Senator Cabdixakiin Macalin Axmed oo ka tirsan Golaha Aqalka sare oo la hadlayay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in heshiisyada caalamiga ah ay awood u leedahay oo kali ah dowladda dhexe,wax boos ahna usan uga bannaaneeyn dowlad goboleedyada dalka.

“Heshiisyada caalamiga ah waxaa awood u leh inay gasho dowladda dhexe, wax door ah kuma lahan dowlad goboleedyadu, marka heshiiska ay Soomaaliya la gashay Masar waxaa dalkeena ugu jira faa’iidooyin badan.” Saneterka ayaa tilmaamay sida ay muhiimdda u leedahay ilaalinta qaranimada midnimada ummadda, si cadowga Soomaaliyeed loogu midoobo, wuxuuna sii raaciyay hadalkiisa in Soomaaliya ay faa’iida weyn ugu jirto heshiiska ay la gashay dowlada Masar, islamarkaan wax badan ay ku soo kordhineyso dalka.

Xil. Ifraah Noolooye ayaa iyadana ku hadal darsatay, waxayna tiri:- “Qofna kuma raali gelinayo in dhulkeyga ama baddeyda lagu soo xad gudbo, dowladana innaga ayaa u idmanay in ay heshiisyada waxtarka leh gasho”, waxayna dhammaan Xildhibaanadaasi daba joogaan hadlkii muritda badnaa ee uu kal hore ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud, waxa uuna yiri:- “Soomaaliya waa xor, cidda ay doonto ayay la heshiinee” , xilli dowladda Soomaaliya ay iskaashi militery wada saxiixdeen dowladda Masar oo ay cadow u aragto Itoobiya.

Marka laga hadlaayo colaadda ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Xabashida waxaa lagu tilmaamaa inay tahay mid soo jireen waxaad taasi ka dheehan karta sida uu yiri:- Xildh. Cabbdinuur “Markaan Ciyaalka aheyn qofka noogu dhibka badan ama noogu xaasidsan, waxaan dhihi jirnay ‘Xaasidsanidaa ma Xabashi baa tahay’ yacni Cadaawadda Ethiopian-ka aan u qabno awgeed”.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. 1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo…

September 5, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo digniin kasoo saaray dadka aflagaadada iyo sumcad dilka kawada baraha bulshada

WAR-SAXAAFADEED Muqdisho(SONNA):-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa uu gacanta ku hayaa Gal-dacwadeedyo la xiriira Cayda ama Aflagaadada, Sumcad-dilka, Isku-dirka…

GudahaWararka
August 31, 2025

Ciidanka Xoogga dalka oo hawlgalo ka fuliyay gobolka Bakool.

SONNA (MUQDISHO)- Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Guutada 9aad qeybta 60-aad ee gobolka Bakool ayaa hawlgal ka fuliyay deegaano ay maleeshiyada…

GudahaWararka
June 13, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda  oo qaabilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Muqdisho (SONNA):- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Isniin ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda…

GudahaWararka
April 15, 2024

Duqa muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS

Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa hey’adda…

GudahaWararka
July 3, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023