Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump
    September 27, 2025
    Wejiga Saddexaad ee Howlgalka “ Duufaanta Aamusan” oo si dardar leh uga socda Sh/Hoose
    September 27, 2025
    Muxuu Soomaaliya uga dhigan yahay kursiga ay ku yeelatay Golaha Ammaanka?
    September 27, 2025
    Madaxweynaha JFS oo booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka
    September 27, 2025
    Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Ururka Jaamacadda Carabta
    September 27, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
Reading: Hadal adeegu marbuu hiil gala (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Hadal adeegu marbuu hiil gala (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Hadal adeegu marbuu hiil gala (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 31, 2024
6 Min Read
Share

War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa loogu mahadnaqay Masar iyo Jabuuti oo noqday labada dal ee illaa iyo hadda caddeeyay in ay qeyb ka noqonayaan hawlgalkan cusub, waxaana dalalka kale ee Qaaradda loogu baaqay in ay iyaguna ku soo biiraan.

Howlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta oo magaciisa loo soo gaabiyo (AUSSOM) ayaa ku yimid codsi ay Soomaaliya gudbisay, kaasi oo ujeedkiisu ahaa in ka dib bixitaanka ATMIS la helo taageero muddo kooban ah oo ciidamada Soomaaliyeed laga siinayo xasilinta iyo xoojinta nabadgeliyada dalka.

Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaalka iyo ka-go’naanta dowladda Soomaaliya ee adkeynta amniga, dib-u-dhiska, tababbarista iyo kobcinta karaanka ciidamada xoogga dalka, si howlahaasi loo sii dardargeliyana, waxay Afrika ugu baaqday beesha calaamka in kor loo qaado taageeridda dawladda.

Dhinaca kalen Dowlada Soomaaliya oo Warqad u dirtay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo jeedisay muddo laba sano ah oo looga guurayo Xafiiska UNSOM, loona guurayo UNCT, iyadoo muddaadaasi sidoo kale ay dowladdu qeexday howlaha Xafiiska cusub ee Qaramada Midoobay oo loogu magac daray UNATMIS, waxaana howlihiisa ay ku ekaan doonan arrimaha taageerada dib u dhiska Hey’adaha Dowladda, gargaarka bini’aadanimada, Xuquuqda Aadanaha iyo sarreynta Sharciga, waxayna Dowladda Soomaaliya caddeysay in arrimaha Siyaasadda ay yihiin howlo ay Soomaalidu leedahay.

Qorshahaan waxaa la filayaa in uu bilowdo Bisha November ee sanadkan, islamarkaana uu soo gaba gaboobo sanadka 2026-ka waxaana xiligaasi kadib Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee hadda jira uu noqonayaa mid xirma, howlaha hareyna ay la wareegi doonaan Kooxda UNCT, waxaana muddada labada sano ah la yareyn doonaa Shaqaalaha Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo Qarashka ku baxaba, iyadoo shaqooyinka ay qabtaanna ay ku wareejin doonaan Soomaalida.

Haddaba xiisad ayay ka dhex abuurtay Itoobiya Imanshaha Soomaaliya ee Dowladda Masar, iyadoo Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa qaba “Itoobiyaanku Adduunyadaan la joogo labo ayay ka cabsataa, waa Soomaali xoogeysatay oo leh ma qaadan kartaan Waddankeenna taako ka mid ah iyo Masaarida Ciidankooda xooggan ee baabi’in kara Itoobiyanka damacu waalay”.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka ka tirsan Xabashida ayaa laga dareemayaa inuu ahaa mid aad u karkarayay, taasi oo muujineysa inuu xaalkooduna meel xun marayo , waxaase hubaal ah in maalmo kale oo adag ay Ethiopia wajihi doonto. ‘Soomaaliya maahan Soomaaliyadii shalay’.

Dadka Taxliiliya arrimaha ammaanka ayaa heshiiska Soomaaliya iyo Masar iyo xasaasiyadda ay ka qaaday Itoobiya ku caddeeyay qodobadaan:-

1-Soomaaliya iyo Masar Heshiiska Difaac/Amni ay galeen waa mid dhaqan gal ah, Cid wax ka baddeli karta ma jirto.

2- Itoobiya waxay Buuqaan oo dhan u kicinee inay ka mid Noqoto AUSSOM, taasina ma dhici karto oo Go’aanka Cidda Xubin ka noqoneysa Dowladda Soomaaliya ayaa iska leh mana ogola.

3- Dowladda Maraykanka waxay u aragtaa Tillaabadii Abiye iyo Muuse mid toos u dhaawaceysa Amniga Qaranka sida uu sheegay January 2024-kii Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareynka ee Aqalka Cad John Kirby.

4-Itoobiya waxay ku soo fashilantay inay siyaasaddeeda arrimaha dibadda inay ku meel mariso Is-Af-garadkii MOU, waxaana lama filaan ku noqday bandhigyada horumarsan {Performance) siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya siday ugu guuleysatay inay go’doomiso maamulka Addis.

5- Maamulka Addis oo ku fashilantay inay diblumaasiyad ku wajahdo Muqdisho waxay isku dayeysaa inay Soomaaliya u meeriso Cidda ay la saaxiibeyso ama la kaashaneyso Sugidda Amnigeeda, suurtagalna maahan taasi.

6- Sheekada (Narrative-ka) Soomaaliya ayaa aad ugu xooggan Warbaahinta & Fikirka Guud ee Caalamiga ah Xaaladda hadda taagan, sidaas darteed waxay diiradda saartay Itoobiya inay kiiska u sawirto Masar vs Itoobiya.

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa Bartiisa Bulshada qormo uu qoray cinwaan uga dhigay ‘Caga la’aanta ayay ciiddu igu aragtay’, wuxuuna qormadiisa ku bilaabay:-

“Diyaarad ay Masar leedahay oo caasimadii Soomaaliya Muqdisho ka soo dagtay ayay Itoobiyaanku yiraahdaan uma dulqaadan karno ( We can’t tolerate it). Maamulka Soomaaliland wuxuu yiri waxaan si adag u diidannahay )Strongly object) imaatinka Masaarida ee Soomaaliya oo qalalaase ka abuuri doono degmada Geeska Afrika”.

Xildhibaanka waxa uu is weydiiyay “Itoobiya ujeedkeedu muxuu yahay? Waa in ay xalaaleysato sidii ay qeyb uga heli laheyd baddeenna iyo dhulkeenna waana mid ay ku taameysay muddo aad u dheer. Annaga hadaan Soomaali nahay dhexdeenna siyaasad waa isku diidi karnaa, laakiin waa nasiib darro weyn in ruux Soomaali sheeganayo uu cadow raba inuu dhulkiisa qaata garab uu u noqdo. Qeybi oo xukun wey na soo martay yaan naloo celin. Taariikh ayaa qormeysa ee Soomaalaay dib isugu laabo”.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa dhawaan garay Xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu khudbad dhiirigelin ah u jeediyay ciidamada ayaa xasuusiyay waajibaadka ka saaran inay dalka ka difaacaan khataraha wax u dhimaya amniga, wuxuuna yiri “Cadowgeena gudaha ah iyo kan dibadda intaba waa inaan u diyaar garownaa.”. Wasiir Jaamac waxa uu sidoo kale taabtay damaca Itoobiya ee badda, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan aqbali doonin ku xadgudubka madaxbanaanida dalka iyo Dadka.

Abwaan Cusmaan Guure ayaa isna Murti ku yiri:- “XABASH HADDUU KU FAANAY XOOG, XASSANNA XEELAD WAA YAQAAN”.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeyb galay casho sharaf uu martigeliyay Donald Trump

Muqdisho,(SONNA):- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay casho sharaf uu…

September 27, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare Xamse oo ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dalkooda maalgashadaan

Muqdisho(SONNA):-2023; Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirka Midowga Bangiyada Soomaaliyeed oo looga hadlayo…

GudahaWararka
February 21, 2023

Golaha wasiirada Hirshabeelle oo ka shiray dagaalka Khawaarijta iyo horumarinta adeegga caafimaadka

Jowhar(SONNA):-Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa shir-guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada kaas oo diirada lagu saaray arrimo dhowr…

GudahaWararka
April 28, 2025

ATMIS oo CXD ugu hambalyeeysay xoreynta magaalooyinka Ceeldheer, Galcad iyo Xarardheere ee Galmudug

Muqdisho –(SONNA)- Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka KMG Midowga Afrika ee…

GudahaWararka
January 18, 2023

Madaxweynaha Hirshabeelle oo booqday difaaca deegaanka Geel-gub

Jowhar-(SONNA)-Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maalmahan booqonayo xaq-u-dirirka deegaanka iyo Ciidamada Qalabka Sida ee ku…

GudahaWararka
May 20, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023