Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Ummad yahay u nooloow, Sida Aadmigoo kale (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ummad yahay u nooloow, Sida Aadmigoo kale (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Ummad yahay u nooloow, Sida Aadmigoo kale (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: August 20, 2024
8 Min Read
Share

Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay Canshuurta Gadista ee loo yaqaano (VAT) taasi oo qaab system ahaan u go’aysa marka uu dhacayo kala iibsi suuqa ah, taariikh ahaan waxaa canshuurtaartani ka soo bilaabatay wadamada Jarmalka iyo Faransiiska.kadibna waxa uu ku baahay dalal ka kala tirsan Caalamka, waxayna Jarmalku ku bilaabeen lacag dhan 18$ sanadkii 1918-kii, halka Faransiiskuna uu bilaabay sanadkii 1954-kii qaadist canshuurta oo dhammeyd 16$.

Canshuurtaan oo horay ay dowladdu soo rogtay ayaa dhawaan si rasmi ah u bilowday, iyadoo horay isku dayo badan oo loo sameeyay aysan u hirgelin, iyadoo dhinaca kale isfaham laga gaaray Ganacsatada maalmahaan cabashada qabay iyo dowladda, iyadoo qeybo ka mid ah suuqa bakaaraha uu xiranaa, halka ay furanaayeen Suuqyada kale ee magaalada.

Qiimaha lagu bilaabay Canshuurtaan oo ah 05% ayaa ah kan ugu yar waddamada geeska Afrika, taasi oo ah u turis ay Dawladdu u tureyso Shacabka Soomaaliyeed oo ka soo kabanaya duruufo qalafsan oo muddo dheer ay ku soo jireen. Arintaan ayaa ku soo aadeysa iyada oo dhawaan is faham ay ka gaareen Dawladda iyo Ganacsatada cabshooyinkii ka yimid, kuwaasi oo ay Dawladdu balanqaadday in ay ka jawaabayso. Talaabadaan waa mid kor u qaadaysa awoodda iyo sharafta Dawladnimada Soomaaliya, waxayna horseedaysaa in Dawladdu kordhiso adeegyada dadweynaha sida Amniga, Waxbarashada, Caafimaadka, Dib u dhiska Waddooyinka iyo Horumarinta hay’adaha Qaranka, taasi ayaa ah talaabo kale oo Dawladdu u qaadeyso xoojinta iyo hirgalinta nidaamka Dowladnimada, waxayna muujinaysaa horumarka maalin kasta ay ku talaabsanayso Dawladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hadal jeedintiisa diiradda ku saaray xaaladda dalka, duruufaha ku xeeran dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qorshaha dowladda ee difaaca madaxbannaanida iyo qarannimada dalkeenna ayaa ku dheeraaday arrimaha canshuuraha oo cabasho laga qabay, asaga oo yiri “Majirto Canshuur cusub oo dowladdu soo kordhisay balse waxaa cusub nidaamka lagu bixinayo”.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda dowladda FS mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan ka hor hadlay golaha shacabka Jamhuuriyadda FS ayaa sheegay in cabashada ganacsatada Muqdisho aysan aheyn canshuur dheeraad ah oo lagu soo rogay, balse ay culeysyo ka muujiyeen lacago kale oo laga qaado, wuxuuna xusay in ganacsatadu ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, “taasna aanu ka jirin wax caqabad ah, balse dowladdu ay hadda ku howlan tahay in ganacsatada laga dul qaado culeysyada kale ee aan qaban”. Biixi ayaa sheegay in wax badan oo ka mid ah caqabadaha ay ka cawdeen ganacsatada la xaliyay, uuna la fariistay guddi ka socda, haatana la doonayo ilaa heer xukuumadeed in cabashadooda la gaarsiiyo, si go’aan mug iyo miisaan leh oo xal rasmi ah keeni kara looga soo saaro.

“INTAAD FALIN KA FIIRSO. Dawladuhu waxay ku shaqeeyaan waa canshuurta, dalalkuna waxay ku kala horreeyaan waa hadba in u dhiganta heerka isku fillaansho iyo ka maaranka kaalmada & ku tiirsanaanta shisheeyaha. Haddii Canshuurta la diido waxay la macne noqonaysaa “Dan kama lihine dawladnimadeenna ciddii doonto ha iibsato”. Sidoo kale haddii canshuurta  la siyaasadeeyo waxaa lumaya jiheeyaha akhlaaqeed ee siyaasadda (political moral compass). Fiicanaa inta tabarta la hayo in talada wanaagsan la helo, lana qaato”, sidaasi waxaa boggiisa Facebook-ga ku qoray Suldaan Cabdiqani Qorane.

Abwaan Cusmaan Guure ayaa isna su’aashaan is weydiiyay “Qaaraanka beelaha  Leyskuma qilaafee  Maxaa Qaranka tiisii Hadba looga qeylshaa?”.

ugu dambeyntii Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ka dooday qaadista canshuurta Gadista ee loo yaqaan(VAT), iyadoo Xildhibaanada qaar oo ka hadlay kulanka ayaa soo dhaweeyay sida ay dowaladda uga jawaabtay cabashadii ay qabeen gancsatada,iyagoo gancsatada faray in ay bixiyaan Canshuurta si dalku u gaaro isku filnaasho. Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad ayaa yiri “Dowlad ma shaqeyn karto haddii aan canshuur la bixin, qof kastana waa ogyahay.” Xildhibaan Cabdulqaadir Baaraka “Dowladda Soomaaliyeed waa ku mahadsan tahay sida ay u xalisay cabashadii ganacsatada, haddii aan canshuur la qaadin kaalmo shisheeye ka maarmi meyno.” Xildhibaan Maxamed Cabdulqaadir “In aan dowlad u ekaano waxay naga xigtaa in aan canshuur qaadno”, Xildhibaan Maxamed Haaruun ayaa isna yiri:- “Waa ceeb in aan hoorsano gacmaha shisheeye fadlan aan bixino canshuurta dowladda”, halka Xildhibaan Caasha Koos ay tiri:- “Maanta waxaan islahaa Baarlamaanku waxa uu dowladda ugu hambalyeynayaa sida ay u maareysay cabashadii Ganacsatada iyo Bajaajleyda.”

Madaxweynaha dowladda FS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan khudbad u jeediyey shacabka Soomaaliyeed, isagoo dul istaagay arrimaha dalka ka taagan oo ay ka mid yihiin la dagaalanka Khawaarijta, hirgelinta nidaamka canshuuraha iyo cabashada ay qabaan qaar ka mid ah dhallinyarada Bajaajlayaasha ayaa sheegay in dowladdu ay dhageysatay cabashada ganacsatada iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka cabanaya canshuuraha iyo lacago ay sheegeen in lagu siyaadiyay.

“Cabashada bajaajlayaasha wax badan oo ka mid ah waa la xaliyay, raali kama nihin wax iyaga dhibaya, dowladda FS iyo anoo madaxwynaha ahba ogolaan mayno” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuuna ugu baaqay dhallinyarada inay xaq u leeyihiin cabasho muujinta, balse loo baahan yahay inay maraan hanaan nabdoon, si aan loogu soo dhex dhuuman.

“Si looga jawaabo cabashada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka shaqeysata Mooto Bajaajta, waxaan yeelanay kulan ay goobjoog u ahaayeen guddoomiyaha gobolka Banaadir, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) , waaxyaha ay quseysa ee gobolka , wasaaradda amniga, Wasaradda Maaliyada, Booliiska iyo taliska ciidanka nabad-galyadda waddooyinka, waxaan isla qaadanaya sida ugu dhaqsaha badan ee ugu habboon in xal loo helo tabashada Darawalada Mooto Bajaajta”, sidaasi waxaa warbaahinta u sheegtay Fowsiyo Cisman Cigaal Wasiirka Gaadiidka XFS.

“Kulanka oo ay ka soo baxday go’aamo wax looga beddelayo dhammaan arrimaha ay tabashada ka muujiyeen dhallinyarada Moota Bajaajka ku shaqeysata , ayaa sidoo kale waxaan hoosta ka xariignay in mudnaan la siiyo dhallinyarada Moota Bajaajta”, ayay sii raacisay Fowsiyo Cisman Cigaal Wasiirka Gaadiidka

Afhyeenka Maamulka gobolka Banaadir ayaa Warbaahinta la wadaagay go’aannada ka soo baxay kulanka deg deg ahaa ay isugu yimaadeen madaxda hey’addaha ay Khuseyso cabashadda ay muujiyeen wadayaashada gaadiidta Bajaajta. Waxaana ka mid ah go’aannadaas:

  1. Lacagta Leysinka waxaa laga dhigay 106.5, halka markii hore cel celis uu ahaa $200.
  2. Haddii uu leysinka kaa dhaco waxaa laga dhigay 32 doolar oo kaliya, haddii uu kaa lumana 20 dollar.
  3. Mudada dhicista Leysinka oo markii hore aheyd saddex sano, hadda waxaa laga dhigay 5 Sano.
  4. Ganaaxa qofkii Leysin la’aan ah oo markii hore aheyd 50$, hadda waa 5$.
  5. Warqadda Caafimaadka oo markii hore aheyd 25 ilaa 30$, hadda waa 15$.
  6. Warqadda dhalashada iyo Sugnaanta waa 10$.
  7. Halka waraaqada dambi la’aantana alaga dhigay 10$.

ugu dambeyntii waxaannu leenahay ‘Dalkada ku dhis Afkaaga, Jeebkaaga iyo Muruqaaga’.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Haya’adda Socdaalka JFS oo sheegtay in aan wax isbeddel ah lagu samayn habraacii Socdaalka Qurbejoogta Soomaaliyeed

Muqdisho(SONNA):-Haya'adda Socdaalka iyo jinsiyaddaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku cadaysay in aanu jirin wax laga beddelay…

GudahaWararka
June 12, 2023

Hay’adaha amniga oo ku guuleystay in ay fashiliyaan Dhagarta aan muuqan ee Khawaarijta (Warbixin).

Muqdisho,(SONNA):- 18-kii May, Sanadkan 2023, todobaadkii hore Al-shabaab waxay lumiyeen Kunteenar hub iyo walxaha qarxa isugu jira oo ay doonayeen…

Maqaallada
May 25, 2023

Dawladda oo faahfahin ka bixisay Qarax galabta Muqdisho ka dhacay (War-saxaafadeed)

Muqdisho (SONNA)- War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda FS ayaa lagu sheegay in maleeshiyada Al-shabaab ay galabta qarax…

GudahaWararka
September 9, 2020

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Xildhibaan Sheekh Shaacir Sheekh Maxameed

Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed…

GudahaWararka
December 30, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023