Muqdisho (SONNA) – Ciidanka Ilaalada Xeebaha Soomaaliya iyo Hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaan (ATALANTA Operations) ayaa si wada jir ah u sameeyey layliga loo soo gaabiyo (VBSS) oo ku saabsan sida fatashaadda iyo fuulista Maraakiibta laga shakiyay ama kuwa ku lugta leh arrimaha Sharci darada ah ee ku xad gudba biyaha Soomaaliya,
Dhoola-tuskan ciidanka badda ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo maareen lahaa qaab xirfadeysan ee ay cidanka ilaalada Xeebaha ku fuuli karaan Maraakiibta.