Waxaa maalintii 3-aad galay Shirwrynaha 2-aad ee Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ka socda haatanba magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayo sidii loo heli lahaa Soomaali mid ah, waxaana Shirweynaha Culimada ka qeyb galayaan Culimo Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid ayaa sanadkan diiradda lagu saari doonaa midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.
Waxaase xusid mudan Shirkii 1-aad ee Culimada Soomaaliyeed ee sanadkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu bogaadiyay howgallada xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab , sidoo kale Culimada ayaa isku raacay in dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu yahay Jihaad, islamarkaana qofkii ku dhintaa uu yahay Shahiid, waxaana lagu Iftooday in Al-shabaab ay yihiin Khawaarij, islamarkaana loogu yeero karo (Khawaarij) oo qura, balse Shirweynahaan ee sanadkan waxaa ka qeybgalaya Culimmaa’udiin Soomaaliyeed oo dalka iyo dibaddiisa isaga kala yimid, iyadoo ay sanadkaan diiradda lagu saari doonaa Midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed, waxaana sanadkan Hal-ku-dhig looga dhigay (Soomaali mid ah).
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ka daah-furay Shirwrynaha 2-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in qabashada shirkan, sannadkii 2-aad oo xiriir ah, ay ka marqaanti kacayso mudnaanta ay dowladdu siinayso talada iyo tilmaamaha culimadaa’udiinka ee dowlad-dhiska Soomaaliyeed, wuxuuna soo bandhigay caqabadaha ku xeeran dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo ku adkeeyey in culimadu ay xoojiyaan wacyigelinta ku wajahan marin habaabinta Argagixisadu ay ku wadaan dhallinyarada Soomaaliyeed iyo dambiyada ay ku galayaan magaca diinteenna suubban.
“Dowladdu waxa ay mas’uul ka tahay ilaalinta jiritaanka dadka iyo dalka, oo ay ugu horreyaan diinta, Afka, midnimada iyo wadajirka, taasi oo ah dhaxal ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed, haddaba diintu waa waxa koowaad ee aan ku mideysan nahay, waxaana jiro khataro badan, qofka rabaa in uu qeybiyo dadkeenna hab qabiil iyo mid deegaan kuma qeybin karo, waana sababta ay khawaarijta iyo kuwa wadajirkeenna dhibayo ay u soo mareen dhanka diinteenna suubban ee aynu ku midaysan nahay”, ayuu sheegay Madaxweynuhu Culuaa’udiinka Soomaaliya. Mar uu ka hadlayay Madaxweynuh khilaafka Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa yiri:- “ Gacmo daahir ayaa wax daahirisa, marka waxaa loo baahan yahay in Culimo Mideysnaato, si ay u mideyn kar aan Ummadda Soomaaliyeed”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xasuusiyey Culimada Soomaaliyeed ee dal iyo dibadba isaga yimid, daraasadda ay soo saartay Xukuumaddu ee caqabadaha iyo dhibaatooyinka dib u dhigay xaqiijinta himilooyinka shacabka Soomaaliyeed oo ay ka mid tahay Argagixisada, dowlad-nugaylka, goonni u goosadka iyo khataraha bulshada, waxa uuna ku adkeeyey in ay xoojiyaan kaalinta ay ka qaadanayaan arrimahaasi. Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale Ummadda iyo Culimada Soomaaliyeed uga tacsiyeeyey geerida Sheekh Cismaan Sheekh Cumar Sheekh Daa’uud (Sheekh Cismaan Xidig) oo door muhiimka ahaa ka soo qaatay faafinta diinta islaamka iyo baridda dadka Soomaaliyeed.
Haddaba maxaa laga yiri Shirkaasi iyo muhiimaddiisa, Sheekh Cusmaan Usuuli ayaa faray in Culimaa’udiinka Soomaaliyeed in ay galaan safka hore ee dagaalka oo ay hoggaamiyaan jihaadka dalka looga xoreynayo khawaarijta, wuxuuna uuna sidoo kale ka jawaabaya dhaliilaha ay dadka qaar u jeedinayaan shacabka hubeysan ee dagaallada culus kula jira khawaarijta ayaa sheegay in taasi tahay qalad, wuxuuna intaa raaciyay in kooxaha nabad-diidka oo uu rabbi naga dul qaado ay tahay cibaado Alle loogu dhowaanayo.
“Qofkii dhaha qabaa’ilka hubka qaatay halaag ayaa ka soo socda, isagaa halaagsamay mar hore, Khawaarij oo Alle naga dul qaado ayaa Rabbi ugu dhawaaneynaa, Culumada dalka joogta waxaan leeyahay, safka hore gala oo jihaadka hoggaamiya.”, sidaasi waxaa ku jawaabay Shiikh Usuuli, waxa uuna ugu dambeyn ku tilmaamay Ciidanka Macawiisleyda in ay yihiin Ahlu janno, maaddaama ay qaateen dardaarankii Rasuulka CSW, wuxuuna ku celceliyay in loo midoobo dagaalka Khawaarijta, isagoo ka hadlaayay qaabkii ay Diintu u fidday ayaa yiri Sheekh Usuuli:- “Manhajka Culumaa’u Suufiya ayaa Dadka Soomaaliyeed ka ilaaliyey inay Gaaloobaan,Ilmaheena Yurubna Manhajkaas ayaa Gaalnimada ka ilaalin kara”.
Dhinaca kale Dr. Sheekh Cusmaan Macallin Maxamuud Sheekh Cali oo ka mid ah Culimada ka qayb gashay shirka weynaha Culimaa’udiinka Soomaaliyee ayaa isna sheegay in qilaafka uu yahay mid dhaca, isagoo Meesha ka saaray in mucaaradka Imaamku uu noqdo mid wax toosiya, Sheekha ayaa intaasi raaciyay in Rasuulku SCW uu saxaabadiis kula dardaarmay daacad iyo is-maqal iyo in aan dadka talada haya la khilaafin, wuxuuna xusay in madax iyo shacab ay waajib ku tahay difaaca iyo ilaalinta Diinteenna suubban.
DR Cusmaan Macallin ayaa yiri:- ” Madax iyo shacab waxa waajib ku ah difaaca iyo ilaaalinta Diinteena.” Sheekh Cusmaan ayaa ugu dambeyn sheegay in aad la qilaafin Imaamka ama hoggaanka dalka, si aysan fidnadu u baahin, loogana hor iman dardaarankii Rasuulka SCW.
Waxaa kaloo isna aan ka soo qaadan karnaa Sheekh Yuusuf Cali Caynte oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ajandaha ugu weyn ee kulankoodu uu yahay in laga tago qilaafaadka Umadda Soomaaliyeed, loona soo jeesto sidii loo joojin lahaa dhiigga daadanaya, lagana shaqeeyo masaalixda guud ee dalka iyo Dadka Soomaaliyeed. Sheekh Yuusuf ayaa sheegay in doorka Culimada ee kaga aaddan midnimada iyo isu soo dumidda Ummadda Soomaaliyeed uu yahay mid weyn, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto.
By. C/lahi Ruush