Beijing,(SONNA):- Safiirka Soomaaliiya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa ka qeyb galay munaasabadda xiritaanka kulan muhiim ah oo ku saabsan ‘’ Aqoon-kororsi” kaas oo ka qabsoomay magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.
Kulanka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda arrimaha dibadda ee shiinaha waxaa ka soo qeyb galay kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Shiinaha Miao Deyu, waxaanna munaasabadda khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay Danjire Kullane, isagoo ku dheeraaday ahmiyadda ay leedahay is-beddelka dhinacyada badan leh ee maanta dunida ka socda.
Sidoo kale, Danjiraha ayaa ku nuux nuuxsaday doorka muhiimka ah ee wada-shaqeynta iyo wax ka qabashada caqabadaha caalamka iyo kobcinta iskaashiga caalamiga ah. Wuxuuna ku ammaanay Dowladda Shiinaha sida markasta ay diyaar ugu tahay garabka istaaga Soomaaliya.
‘’ Shiinaha sida ay uga go’an tahay in ay nala wadaagaan khibradooda iyo aragtidooda waa mid aad u qiimo badan, haddaan nahay Soomaaliya waxaan si qoto dheer uga mahadcelineynaa iskaashiga wanaagsan, waxaanna naga go’an inaan sii wadno doorka muhiimka ah ee dib-u-heshiisiinta ku leedahay iskaashiga caalamiga ah,’’ ayuu yiri Danijire Kullane.
Danjire Kullane ayaa yiri, “Shiinaha sida ay uga go’an tahay in ay la wadaagaan khibradahooda iyo aragtidooda waxay ahayd mid aad u qiimo badan, haddaan nahay Soomaaliya waxaan si qoto dheer uga mahadcelineynaa iskaashiga wanaagsan, waxaana naga go’an inaan sii wadno doorka muhiimka ah ee dib-u-heshiisiinta ku leedahay, iskaashiga caalamiga ah.”
Sidoo kale, Safiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in ay Soomaaliya fahamsan tahay caqabadaha ka jira caalamka,islamarkaana ay Soomaaliya aqoonsan tahay noocyada kala duwan ee xeerarka caalamiga ah una heelan tahay in ay si macno leh uga qeyb qaadato nabadda iyo xasilloonida caalamka.
Munaasabadan oo ay ka soo qeyb galeen wakiilo ka kala socday dalal kala duwan iyo hay’ado caalami ah ayaa lagu soo gebagabeeyey aragti isweydaarsi looga gol lahaa in kor loogu qaado iskaashiga iyo isfahamka caalamka. Wuxuuna Danjiraha muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay in ay si firfircoon uga qayb-gasho fagaarayaasha caalamka.