Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub
    May 13, 2026
    Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta oo xilka la wareegay
    May 12, 2026
    Maareeyaha Hay’adda NIRA oo Ivory coast uga qaybgalaya shirka ID4Africa
    May 12, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleemasaarka Madaxweynaha Uganda
    May 12, 2026
    Agaasimaha SONNA oo shir caalami ah uga qaybgalaya Masar
    May 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: MADAXWEYNE FARMAAJO OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY GUDDIGII IYO HAWL-WADEENNADII XUSKA TODDOBAADKA XORRIYADDA
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > MADAXWEYNE FARMAAJO OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY GUDDIGII IYO HAWL-WADEENNADII XUSKA TODDOBAADKA XORRIYADDA
Gudaha

MADAXWEYNE FARMAAJO OO CASHO SHARAF KU MAAMUUSAY GUDDIGII IYO HAWL-WADEENNADII XUSKA TODDOBAADKA XORRIYADDA

By Agaasimaha SONNA
Last updated: July 9, 2021
2 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA)- Luuliyo 09, 2021: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo casho sharaf ku maamuusay Guddigii iyo Hawl-wadeennadii Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda, Kooxaha Qaran ee Fanka iyo Maamulka Warbaahinta Gaarka Loo Leeyahay ayaa dhammaantood uga mahad naqay kaalintii ay ku lahaayeen Munaasabadihii Xuska Toddobaadka Xorriyadda.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan qaran oo mudan in la weyneeyo si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl, isaga oo Hawl-wadeennadii munaasabadda lagu casuumay ku bogaadiyey doorkoodii abaabulka, wacyi gelinta bulshada iyo baahinta Munaasabadihii Toddobaadka Xorriyadda.

“Waxaan dhammaantiin idiinka mahad celinayaa sidii quruxda badnayd ee aad uga wada qaybqaadateen Xuskii Toddobaadka Xorriyadda. Miro-dhalka dadaalkiinnii waxaa laga dareemay sidii ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu dabbaal degeen Xuskii Maalmaha Xorriyadda ee sannadkan.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadiyey sida qiimaha badan ee ay uga qayb qaateen weynaynta Xuskii Toddobaadka Xorriyadda, iyaga oo muujiyey dal jacayl iyo waddaniyad, soona bandhigay sida ay ugu faanayaan halyeeyadii naftooda u huray Gobannimada.

Munaasabaddan waxaa sidoo kale ka qayb galay, Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Mudane Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cumar Maxamuud Maxamed Filish, Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda Mudane Cismaan Abokor Dubbe iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Dowladda.

DHAMMAAD

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Danjiraha Midowga Yurub

Muqdisho (SONNA): Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan…

May 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Qorshaha dhismaha wadooyinka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga shiray

Muqdisho,(SONNA):- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS  Cumar Cali Afrax ayaa guddoomiyay shir muhiim ah oo looga…

GudahaWararka
February 15, 2026

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Magacaabista Mahad Maxamed Salaad oo loo Magacaabay Agaasimaha NISA

Muqdisho(SONNA);-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shir deg deg ah ,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha…

GudahaWararka
June 1, 2025

R/Wasaare Xamsa oo sheegay in xilli dhow Soomaaliya ay noqon doonto meel ka caagan argagixisada  

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo…

Gudaha
September 15, 2023

Ciidanka Xoogga ayaa dilay 21 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab

Muqdisho(SONNA):- 21 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab ayaa lagu dilay deegaanka Xawaadleey ee gobalka Shabeellaha dhexe. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa…

GudahaWararka
January 17, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023