Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay falalka lagu dhaawacayo amniga caasimadda
    June 3, 2026
    Wasiirro ka tirsan xukuumadda FS oo u daawasho tagay horyaalka Soomaaliya oo koraya
    June 3, 2026
    Wasiirka cadaaladda oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub
    June 3, 2026
    Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Koofur Galbeed oo shahaadada qaatay
    June 3, 2026
    Maamulka Gobolka Banaadir oo Asteeyay Goobaha Dibadbaxyada Mucaaradka
    June 3, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Shir looga hadlayay xoojinta amniga oo ka qabsoomay Baydhabo
    May 30, 2026
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin cusub oo ku saabsan Markabka qodista Ceelka Shidaalka ‘Curad’
    June 3, 2026
    Kala guurka Togan: Waa Faallo uu qoray Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala
    May 31, 2026
    Doorashooyinka Isku Sidkan oo ka qabsoomay Koonfur Galbeed (WARBIXIN)
    May 11, 2026
    “Koonfur Galbeed, Albaabka Iftiinka Dimuqraadiyadda“ Wasiir Al-Cadaala
    April 29, 2026
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya oo ka qayb galaya Shirweynaha 76-aad ee FIFA Congress
    April 30, 2026
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
Reading: ‘Kaamka Soomaalida ee GASA’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Kaamka Soomaalida ee GASA’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

‘Kaamka Soomaalida ee GASA’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: July 10, 2024
6 Min Read
Share

Shacabka Soomaaliyeed ayaa markaan u istaagay inay taageero u muujiyaan Walaalahooda Reer Falastiin gaar ahaan kuwa ku dulman Maarinka Gasa, waxayna Yuhuuddu ku hayaan dagaalo ba’an ooay kaga barakiciyeen Dadka Shacbaka ahaa, iyagoo la dhacay Madaafiic aan loo meel dayeen, intii socday dagaalka lagu haya Dadkaasi ayaa waxaa la soo warinayaa inay ku dhinteen in ka badan 40 kun, halka dhaawacana lagu yeeshay in ka badan 10 kun oo Ruux oo u badan Caruur iyo Haween, waxaana waliba u sii dheer in la hareereeyay oo ay u diiday in loo furo Marin la marsiiyo gargaarka uu Caalamka ugu talagalay in la gaarsiiyo Dadkaasi tabaaleysan.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa caddeeyay mowqifka dowladda federaalka ee dagaalka ay Yuhuuddu ku hayso Dadka Reer Falstiin Gaar ahaa Marinka GSA, ayaa shaaca ka qaaday in Xamaas aysan aheyn Argagaxiso, ayna garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed. “Xamaas Argagixiso ma ahan waa urur xoreynayo dalkooda, waana inaan si buuxda u garab istaagno” ayuu yiri Ra’iisul-wasaare Xamza Cabdi Barre.

Sidoo kale wuxuu su’aallo ka keenay sababaha ay dowladaha waaweyn iyo kuwa u doodi jiray xuquuqda aadana ay uga aamusan yihiin illaa iyo hadda dhibaatada Falastiin. “Aaway dadkii xuquuqda bani’aadamka ilaalin jiray?, aaway kuwii u dagaalami jiray carruurta? aaway kuwii haweenka u dagaalami jiray? aaway xaggee aadeen? ayuu yiri. Waxaa kale oo uu yiri “Falastiiniga muslimka ah wuu dhintay, midka Yahuudiga ah ee muctadiga ah ee ku soo duulay ee gurigooda fadhiya waa la dilay miskiinkaas ayaa la leeyahay. Maanta inkastoo xanuun badan ina hayo annaga, haddana waxaa waajib ah inaanan hilmaamin waxa ka jira Falastiin”.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliyeed ay weligeed Qudus u aqoonsanaan doonto caasimada Falastiin, ayna kasoo horjeedo boobka Israel. “Ma aqbaleyno, kamana tanaasuleyno dowladda Falastiin oo caasimadeedu tahay Qudus, weligeyn kama tanaasuleyno, waa inay dadka muslimiinta u duceeyaan walaaladaas” ayuu yiri.

“Xal u helis la’aanta Qaddiyadda Falastiin waxay sii ahaan doontaa mid waji gabax ku ah damiirka dunida,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse. Wuxuu Ra’iisul wasaaruhu intaa ku daray isagoo af carabi ku khudbaynayey in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Falastiiniyiinta “Waxaan hoosta ka xariiqayaa in Soomaaliya ay sii wadi doonto difaacista xaquuqda aysan ka tanaasuli karin shacabka Falastiinyiinta ee aynu walaalaha nahay, iyo jaangoynta masiirkooda,” ayuu yiri.

Haddaba Shacabka Soomaaliyeed oo ku fiican taakuleysta Dadka Muslimka ayaa bishii la soo dhaafay abaabulay bal sidii ay Dadkaasi Reer Falastiin gaara ahaan GASA ee hadba meel u qaxaaya loo gaarsiin karo wixii taakuleyn ah ee ay Dadka Soomaaliyeed ugu talagalaan, waxaase xusid mudan in Dalka Turkiye uu u baqoolay Shiikh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Culumo kale oo istaagay Taakuleynta Walaalahooda Reer Falastiin, iyagoo halkaasi kula kulmay qaar ka mid ah Culimada Reer Falastiin, waxaana la isla meel dhigay sidii loo gaarsiin karo ama loo kaalmeyn karo Dadkaasi Rafaadsan, waxayna Culimada Soomaaliyeed gudbiyeen lacag gaaraysay 70 Kun oo Dollarka Maraykanka ah oo ay ka soo aruuriyaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkiina waxaana la diyaariyay dhulkii laga dhigi lahaa Kaamka, iyadoo Kaamkaasi loo bixiyay ‘Kaamka Soomaalida ee GASA’, (مخيم الصومال في غزة )

Lacagtaasi ayaa waxaa lagu iibiyay 100 Teendho oo kaafi karta Boqol Qoys ay middiiba gali karaan hal Qoys, waxaana loo bixiyay ‘Kaamka Soomaalida ee Gasa’, marka Soomaalidu way awoodii karaan inay Dadkaasi caawiyaan oo aan tari karno, durbadiina waa la degay Kaamkii, waxaana laga sameeyay Goobo ay ka mid ahaayeen Masaajid, meel ay Carruurtu ku ciyaaraan iyo Dugsiyo Quraan, waxaa kaloo farxad leh in Teendho ka mid aheyd Teendhooyin uu ka dhacay Guur cusub, waxaana u duceeyay Dadkii la baxay Sadaqadaasi Shiikh Cabdi Xayi, “ Ajar Allah aka siiyo intii la baxday Sadaqadaasi loo fidiyay Walaalaha Reewr Falstiin, waxaana aad u xusayaa Gabdhaha Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay howshaasi, Owlaadood Ilaaheey Baari uga dhigo iyo intii kale la baxday sadaqadaasi”, ayuu yiri Shiikh Cabdi Xayi.

“Nolosha uu qof bini’aadam ahi ku noolaan karo ayaa ka bilaabatay Kaamkaasi, waxaa la degan yahay Teendhooyinkii, Carruurtii oo cayaaraya, iyagoo wax loo qeybinaayo ilaa aad arkeyso sida meelaha kale oo kale ay tahay, biyihii ay dhansanayaan, Timaha ay jarayaan, xitaa Guur uu ka dhacayo mid ka mid ah Teendhooyinka, runtii nolol ayaa ka jirta meeshaasi, runtii Dadka Fatastiiniyiinta ah waa Dad aan is dhiibeyn una adkeydsanaya Qadar Alle”,ayuu yiri Shiikh Cabdi Xayi oo ah Horjoogaha Kooxda u aruurinta Kaalmada Dadka Reer Falastiin gaar ahaan GASA.

Sheekha oo ka jawaabayay su’aal aheyd sida ay howshu u socoto, maadaama ay Dadkii degay Kaamkaasi ay Shacabka Soomaaliyeed ay wax ka sugayaan sidee ayay u socotaa soo Ururinta Lacagaha? Ayaa yiri:- “ aad baan ugu diyaargaroobayna anagoo kaashaneyna Shacabkeenna Soomaaliyeed, waxaana naloo soo sheegay ama aan u qorsheynay 100-kaasi Qoys, 30 Kun oo Doolar, macnaa Qoyskiiba waxaa ka gaaraya 300 Dollar, waana loo qeybiyay bishii dhammaatay ee Juun, bishan hadda socotana waan u heynaa, waana qeybineyna haddii ay bishan dhammaato, bilaha ku sii xigana diyaar ayaan u nahay inaan u soo aruurinno, waxaana hadda sii diyaarineynaa Bisha Agoosto iyo kuwa kaloo ku sii xigaba, dadaalka Shacabka Soomaaliyeed waa uu badan yahay”.

By. C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

War-saxaafadeed: Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay falalka lagu dhaawacayo amniga caasimadda

Muqdisho (SONNA): Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaareyneysaa dhacdadii nasiib-darrada ahayd ee galabta…

June 3, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Taliska Ciidanka Xoogga dalka oo ka warbixiyay howlgaladii u danbeeyay ee gobalka Galgaduud

Muqdisho(SONNA):-General  Maxamed Tahliil Biixi, taliyaha Ciidanka dhulka oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in dagaaladii Ciidamada xoogga dalka beryahaan…

GudahaWararka
April 7, 2021

Wasiiru Dowlaha Caddaaladda XFS iyo Taliyaha cusub ee ciidanka Asluubta oo kormeeray xarunta taliska asluubta

Muqdisho.SONNA...Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee XFS Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo uu la socdo Taliyaha cusub ee…

Gudaha
March 26, 2026

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo u ambabaxay Baydhabo

Muqdisho-(SONNA)-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa goordhaw u duulay Magaalada Baydhabo ee Caasimada KMG ee Maamulka KGS Kadib…

GudahaWararka
April 11, 2023

Tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo xiray Dhuusamareeb

Dhuusamareeb(SONNA):-Waxaa maanta lagu soo xiray magaalada Dhuusamareeb tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo socday muddo laba maalmood…

GudahaWararka
August 14, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023