Waajid (SONNA): Ibraahim Sheekh Aadan oo magaca afgarashada Khaawaarijta dhexdeeda looga yaqaano yahay (Yowkoyow) ayaa isku soo dhiibay laamaha ammaanka degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Ibraahim oo muddo 16 sano ah la shaqaynayay Khawaarijta ayaa waqtigiisa inta u badan kusoo qaatey qaybta Jamhada ugu yeeran Khawaarijta.
Waxa uu ka warramay sababta ku kaliftay in uu Khawaarijta iskaga soo tago, waxa uuna sheegay in nolol liidata hadda ka jirto dhexdooda mid walba oo kamid ahna hamigiisu yahay sidii uu mar uga soo fakan lahaa.
Ibraahim ayaa ugu baaqay saaxiibadiisa ay kuwada jireen safka Khawaarijta in ay iskaga soo baxaan kana daayaan dhibta Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba ka galabsan.