Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika
    September 6, 2025
    Shirka Amniga koonfur-galbeed oo looga hadlay xoojinta Amniga
    September 6, 2025
    Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kormeeray xarunta dambi baarista
    September 6, 2025
    Dr Xabeeb iyo wafdi dhakhaatiir ah oo gaaray degmada Cadaado
    September 6, 2025
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Mu’asasada Almaxaasin oo Soomaaliya ka fulinaysa mashruuc hilibka Udxiyada masaakiinta lagu gaarsiinayo
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Mu’asasada Almaxaasin oo Soomaaliya ka fulinaysa mashruuc hilibka Udxiyada masaakiinta lagu gaarsiinayo
GudahaWararka

Mu’asasada Almaxaasin oo Soomaaliya ka fulinaysa mashruuc hilibka Udxiyada masaakiinta lagu gaarsiinayo

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: June 16, 2024
1 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Mu’asasada Al-Maxaasin ee horumarinta iyo waxbarashada oo kaashanaysa xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka Bini’aadantinimo ayaa ku dhawaaqday in la daahfuray mashruuca lagu qaybinayo hilibka udxiyada ee sanadkaan 1445 / 2024 ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mashruucan bini’aadantinimo ayaa ujeedadiisu tahay in lagu taageero qoysaska dhibaataysan inta lagu guda jiro munaasabadda Ciidul Adxaa ee barakeysan, si kor loogu qaado qiyamka wadajirka bulshada iyo naxariista muslimiinta dhexdooda qoysaska u baahan, taas oo si togan uga tarjumaysa caafimaadkooda iyo badbaadadooda.

Mashruucan ayaa waxaa ka mid ah in hilib loo qaybiyo 53,280 qof ka-faa’iideystayaal ah oo ku kala nool deegaanada kala duwan ee ay dadka ku barakaceen iyo kuwa baahan ee Soomaaliya.

Hawsha ayaa si taxadar leh loo soo agaasimay si loo hubiyo in si cadaalad ah oo habsami leh loo gaarsiiyo gargaarka dadka u baahan.

Mashruucani waxa uu ka mid yahay mashaariicda hay’adda Boqor Salmaan ee gargaarka bini’aadantinimo ee lagu taageerayo shacabka Soomaaliyeed, iyada oo la fulinayo mashaariic badan oo dhinacyo kala duwan ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarashada, kor u qaadista sugnaanta cuntada iyo buuxinta baahiyaha aasaasiga ah ee dadka nugul ee bulshada dhexdeeda.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS oo ka qeyb galay Bandhigga Ganacsi ee Afrika

Muqdisho,(SONNA):- Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Aadan (Geesod) iyo wafdigiisa ayaa ka…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dharkeenleey oo caawa ku guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir

Muqdisho(SONNA)-  Degmada Dharkeenleey ayaa ku guuleysatay Tartanka Kubadda Cagta Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasoo caawa lagu soo gabagabeeyay garoonka Eng. Yariisow…

CiyaarahaGudaha
January 21, 2020

Kalfadhigii lixaad ee labada Gole Baarlamaan oo beri la xirayo

Muqdisho(SONNA):-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyay in maalinta beri ah oo ay taariikhdu tahay 22-ka Bisha…

GudahaWararka
June 21, 2025

Wasaaradda Caafimaadka dalka oo soo saartay xaaladihii u danbeeyay ee Korona

Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya ayaa soo saartay tirkoobka Koroona ee dalka iyo baaritaanadii u danbeeyay ee la sameeyay maanta oo…

GudahaWararka
May 22, 2021

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS oo bogaadiyay Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Jubbaland

Muqdisho-(SONNA)-Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ku Xigeenka Ra’iisul Wasaaraha Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee Ciidamada…

GudahaWararka
July 23, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023