Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon
    January 11, 2026
    Ciidamada Xaq-u-dirirka Deegaanka oo jab culus gaarsiiyay Khawaarijta
    January 11, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar
    January 11, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasiirka warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortaga wararka been abuurka ah
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasiirka warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortaga wararka been abuurka ah
GudahaWararka

Wasiirka warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortaga wararka been abuurka ah

By Mohamud Abdi Diirshe
Last updated: June 12, 2024
2 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo.

Tababarkan oo ay ka faa’iidaysteen ilaa 20 suxufiyiin iyo mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha warbaahinta dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxaa iska kaashaday Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee Muqdisho.

Aqoon isweydaarsiga waxaa diiradda lagu saarey sidii weriyeyaasha iyo madaxda warbaahinta loo bari lahaa xirfado sare oo tayo leh oo la xiriira ka hortaga been abuurka ah iyo in bulshada lagu jiheeyo tubta toosan ee wax dhista .

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee XFS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Turkiga taageeridda tababarkan muhiimka ah.

“Waxaan ku jirnaa olole xooggan oo ku wajahan jiheynta bulshada iyo ka hortaga been abuurka, toddobaad ka hor waxaan qabanay shir weyn oo looga hadlay saameynta been abuurka iyo kicinta colaadaha, tababarkani waxa uu ka dhashay kulan aanu halkan kula yeelanay Safiirka, wuxuuna xoojinaya hagaajinta istaraatiijiyadda Warbaahinta iyo ka hortaga wararka khaldan ama been abuurka ah ee sida kul talogalka ah loo baahiyo. Waxaan uga mahad celinayaa safaaradda taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda ” ayuu yiri wasiir Daa’uud Aweys

Wasiirka waxaa uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in waxa ay ka faa’iideen tababarkan ku dhaqmaan una gudbiyaan saaxiibadooda goobaha shaqada.

Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Danjire Alper Aktaş oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa tilmaamay in ujeedka aqoon isweydaarsigan safaaradda u taageertay uu yahay xoojinta iskaashiga labada dal, loona baahan yahay weriyeyaasha iyo warbaahinta inay door fiican ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.

Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa wadda dedaalo lagu xoojinayo wacyiga bulshada ee ka hortaga faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha sokeeye oo wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida dalka.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo ka dhacay Taallada Daljirka Dahsoon

Muqdisho(SONNA):- Bannaanbax ka dhan ah faragelinta iyo xadgudubka YH-da Isra’il ay kula kacday midnimada dalkeenna ayaa…

January 11, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo ka qaybgalay Munaasabad lagu soo bandhigaayey waxqabadka Wasaaradda

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi oo uu wehliyo Wasiir dowlaha Wasaaradda Saadad Caliyow, qaybna uu ka ahaa…

GudahaWararka
December 18, 2023

Madaxweyne Farmaajo iyo dhiggiisa Eriteriya oo kulan ku yeeshay Asmara

Asmara(SONNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Asmara ee xarunta dalka…

Wararka
January 11, 2020

Wasaaradda xaanada xoolaha oo kaalmo gaarsiisay agoontii askartii ku dhimatay dagaalka Khawaarijta

Baydhabo (SONNA): Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Baydhabo deeq raashin Gaarsiiyay Xaasaskii…

GudahaWararka
March 12, 2024

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

Muqdisho(SONNA):- Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan,…

GudahaWararka
August 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023