Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

By shiine Shiine
Last updated: June 7, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):-Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay soo saarto ayaaย  toddobaadkaan aad u xiiso badan.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso warbixinta oo dhameystiran:-

1- Soomaaliya oo si rasmi ah ugu guuleysatey mid ka mid ah kuraasta aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo si diiran u soo dhoweeyay ku biiritaanka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in Soomaaliya ay soo ceshatey maqaamkii ay ku lahayd caalamka.

3- Shacabka Soomaaliyeed oo si wadajir ah u soo dhoweeyay in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Antony Blinken, iyagoo ka wadahadley xiriirka labad dal iyo arrimaha gobolka.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Nairobi kaga qeyb galay Shirweynaha Madaxda Afrika iyo Bangiga Horumarinta Qaaradda Afrika ayaa xusay dhibaatooyinka ka dhashay Isbaddalka Cimillada Adduunka ee ka jira dalkeenna, kuwaasi oo ay ka mid yihiin abaaraha, daadadka iyo cimilada sii kululaanaysa.

6- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Ku-Simaha cusub ee Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

7- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo khudbad uu ka jeediyay shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika ayaa ka hadlay ahmiyadda ay leedahay in Kuuriyada Koofureed iyo dalalka Afrika ay iska kaashadaan dhinacyada ganacsiga, farsamada iyo tiknoolajiyadda.

8- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku tagey Balcad kormeer lagu dardargelinayo billawga wajiga saddexaad ee dhismaha waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

9- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa daahfuray barnaamijka โ€œHooyo u Hiilli Qarankaaga,โ€ kaas oo lagu muujinayo kaalinta muhiimka ah ee hooyooyinka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin amniga iyo xasillinta dalka

10- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuurโ€Aadan Madoobe ayaa magaalada Nairobi kaga qeybgaley shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamannada waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka Bariga Afrika ee EAC.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya , Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbadii uu ka jeediyay shirka 10-aad ee madasha Shiinaha iyo Carabta oo ka dhacay Beijing , wuxuuna sheegay inay Soomaaliya soo dhaweynayso shirkadaha Shiinaha iyo Carabta, si ay u maalgashadaan fursadaha ka jira suuqyada Soomaaliya.

12- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada New York kaga qeybgaley fadhiga guud ee 78aad ee Qaramada Midoobay.

13- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper AktaลŸ, waxaana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga.

14- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Nairobi kulan kulan ku saabsan mashaariicda laga fuliyo Soomaaliya la yeeshay Agaasimaha Bangiga Adduunka u qaabilsan dalalka Soomaaliya, Kenya, Uganda iyo Rwanda Mr. Keith Hansen iyo Wakiilka Xafiiska Soomaaliya ee Bangiga Adduunka Kristina Svensson.

15- Wasiirka Amniga Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxa howlgalka IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.

16- Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Izmir ee dalka Turkiga kulan kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Tรผrkiye, YaลŸar Gรผler.

17- Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Soomaaliya Mudane Maxamed Aadam Macalin Cali (Soomaali) ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kula kulmay Mrs. Doreen Bogdan-Martin oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.

18- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Muqdisho ku soo gabagabeeyay shir laba maalmood socday oo looga hadlayey saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida.

19- Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka qeyb galay dood looga hadlayay dadka sida qaldan u isticmaala baraha bulshada ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya marnaba raalli ka ahayn habka xun ee loo adeegsanayo baraha bulshada.

20- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed General Sulub Axmed Firin, ayaa siโ€™ wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitaanada Xarunta Qaran ee hawlgallada gurmadka deg-dega ah ee hayโ€™adda SoDMA.

21- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo ku qaabilay Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maaraynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, iyagoo ka wadahadley dardargalinta mashaariicda aadminimo eel aga hirgelinato Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

22- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiirka Hawlaha Guud ee Soomaaliya Cabdisalaan Cali Dhaay ayaa magaalada Kismaayo ka dhagax dhigey waddo laami ah oo ay dhismaheeda iska kaashanayaan Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka.

23- Hayโ€™adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigay shakhsiyaad macaamil la sameeyay kooxda Khawaarijta Al Shabaa boo doonayay inay lacago baad ah siiyaan kooxaha argagixisada.

24- Saddex xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

25- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah ugu soo dhammaadey dalka Turkiga.

26- Shirweynaha Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee labada heer ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu qabtey Muqdisho, waxaana shirkaas lagu lafaguray sharciyada hantidhawr ee labada heer.

==============DHAMMAAD==============

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Beeraha oo soo bandhigtay Siyaasadda isticmaalka dhul beereedka

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya ayaa Muqdisho ku qabatay kulan lagu soo bandhigayey Siyaasadda isticmaalka Dhul-Beereedka Masโ€™uuliyiinta Wasaaradda Beeraha,…

GudahaWararka
February 2, 2022

Kenya oo qorsheynaysa in ay Ciidankeeda kala baxdo Soomaaliya

Nairobi-(SONNA)-Dowladda Kenya ayaa la filayaa in Maalmaha soo socda ay midowga Afrika la billowdo wada hadallo ay Ciidankeeda uga saareyso…

CaalamkaWararka
March 4, 2020

Wasaaradda Waxbarashada oo soo gabo-gabaysay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xasan ayaa maanta soo…

GudahaWararka
June 2, 2021

Shir looga hadlayo Hindise sharciyeeeka korontada oo muqdisho ka furmay

Muqdisho:(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo kheyraadka biyaha ee xukumadda federaalka Soomaaliya marwo fowsiyo Maxamed Sheekh, oo ay weheliyaan wasiirka ku xigeenka…

Wararka
June 20, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023