Dhuusamareeb (SONNA): Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo ay wehliyaan wasiirada Kalluumeysiga ee dowlad Goboleedyada Hirshabeelle, KoofurGalbeed, Jubaland iyo Guddoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gaaray magaalada Dhuusamareb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug halkaas oo uu ka qabsoomayo shirka 3aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.
Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee Galmudug Mudane Garaad Yuusuf, wasiiro ka tirsan Dowlad Goobleedka Galmudug iyo marti Sharaf kale ayaa kusoo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Dhuusamareb.
Intaa kadib madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Ciid ayaa Wasiirka ku soo dhaweeyey Madaxtooyada Galmudug halkaas oo ay ku yeesheen kulan kooban oo ku saabsan ujeedka socdaalka wasiirada heer state iyo wasiirka Kalluumeysiga ee heer fedeeaal.
Wasiir Axmed Xassan Aaden ayaa Dhammaan wasiirada, madaxda kale iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug mudane Cali Ciid uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran ee loo sameeyey.
Magaalada Dhusamareb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug waxaa si rasmi ah uga furmaya shirka 3aad ee Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga kaas oo diiradda saaraya hirgalinta iyo ka faaโideysiga waara ee Kalluumeysiga.