Waajid-(SONNA)-Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta 220 qoys waxa ay gargaar ugu qeybisay degmada Waajid ee gobolka Bakool.
Qoysaska gargaarkaan ka faa’iideeystay ayaa iskugu jiray Barakacyaal, Danyar iyo Dad waayeelo ah, waxana loo qeybiyey mucaawino ka kooban qeybaha kala duwan ee raashinka.
Deeqdaan gargaar waxaa hore dalkeena ugu deeqay dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta, Shacabkii ka faa’iideeystay deeqdan oo la hadlay warbaahinta ayaa u mahadnaqay hoggaanka sare ee SoDMA oo mar walba garab taagan dadka dantayar.