Jeddah-(SONNA)-Qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga dalka Sacuudi Arabiya Danjire, Axmed Maxamuud Diiriye ( Macruuf ) ayaa sheegay in ay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaasi ku sugan ay u fidiyaan adeegyo badan oo ay jirto sii deynta maxaabiista aan sharciga ku soo gelin dalkaasi.
Danjire, Macruuf ayaa sheegay in howl wadeennada Qunsuliyadda ay kormeer ku tageen dhowaan goobaha ay ku xiran yihiin maxaabiista Soomaaliyeed ee tahriibka ku gala dalka Sacuudiga gaar ahaan gobollada xiga xadka dalka Yemen.
Qunsulka guud ee Soomaaliya u jooga dalka Sacuudi Arabiya Danjire, Axmed Maxamuud Diiriye ( Macruuf ) ayaa sheegay in Jeelka magaalada Najraan ay kula kulmeen 162 qof oo ah maxaabiis Soomaaliyeed, kuwaas oo muddo dheer ku jira xabiga.
Danjire, Macruuf ayaa sheegay in Boqortooyada Sacuudigu ay Cafis u fidisay qaar ka mid ah maxaabiista oo ku xukunnaa xabsi dheer kadib codsi ay u gudbiyeen masโuuliyiinta dalka Sacuudiga, wuxuuna rajo ka muujiyay in inta harsanna lasii daayo.
Mudane Macruuf ayaa ugu dambayn dadka Soomaaliyeed ugu digay in aysan soo tahriibin nafoodana aysan Qatar gelinin, wuxuuna intaa ku daray in ay dhowaan soo bixi doonaan Fiisayaasha shaqa raadiska oo ay iska kaashanayaan dowlaha Soomaaliya iyo Sacuudiga.