Muqdisho.SONNA….Wasiirada wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Awqaafta XFS Cali Yuusuf Cali xoosh iyo Sheekh Muqtaar Rooboow Cali ayaa ka qeybgalay doodcilmiyeed lagu qabtay Magaalada Muqdisho oo ku saabsananeyd ka hortagga tabaha khawaarijta ee hurinta colaad beeleedyada.
Doodcilmiyeedkaan oo ay soo abanqaabiyeen wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Awqaafta,waxaa ka qeybgalay culuma udiin,oday dhaqameed iyo waxgarad ka socday qeybaha bulshada.
Doodcilmiyeedkaan ayaa mudadii ay soxtay looga hadlay qodobbo ay kamid ahaayeen sidii looga hortagi lahaa tabaha khawaarijta ee xagga hurinta colaadha,isdhaasfsiga xogaha iyo sidii loo raadin lahaa xal qaran oo lagu daaweeyo arrimahaasi.
Wasiirada wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Awqaafta XFS Cali Yuusuf Cali xoosh iyo Sheekh Muqtaar Rooboow Cali oo ka hadlay doodcilmiyeedkaasi ayaa ku baaqay in laga hortago tabaha khawaarijta ee hurinta colaad beeleedyada.
Doodcilmiyedkaan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ee la doonayo in dalka looga xoreeyo kooxaha khawaaerijta oo caqabad ku ah xasiloonida iyo horumarka dalka.