Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Jaamacadda Dowladaha Carabta oo soo dhaweeyay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
    Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay koonfurta Sh/Dhexe
    March 12, 2026
    Taliyaha Ciidanka Xoogga oo la dardaarmay ciidan loo diyaariyay tababar dhanka dibadda ah
    March 12, 2026
    HOGGAAMIYAASHA SOOMAALIYA, JABUUTI IYO ITOOBIYA OO KULAN SADDDEX-GEESOOD AH KU YEESHAY JABUUTI
    March 12, 2026
    Wasiirka Qoyska XFS oo ka qeybgashay shir heer wasiir ah oo ka dhacay New York
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta
GudahaWararka

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta

By Aadan Sooyaal
Last updated: May 16, 2024
2 Min Read
Share

Manaama (SONN):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay Meertada 33-aad ee shirka Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay caqabadaha iyo duurafaha ku xeeran dalalka Carabta iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba ay ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin, waxa uuna sheegay murugada ay nagu hayso xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo, isaga oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo, lana fuliyo go’aammada Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la wadaagay, Madaxda Boqorrada, Madaxweyneyaasha iyo Amiirrada Carbeed xaaladda dalkeenna, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habaynta laamaha amniga, xasilinta dalka iyo faro-gelinta ka dhanka ah madaxbannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday Xukuumadda Addis-ababa.

“Itoobiya wali kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab”.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka warbixiyey fursadaha maalgashi iyo kheyraadka ceegaaga dhulkeenna ee u baahan in la soo saaro ama si wanaagsan looga faa’iideysto, ayaa Hoggamiyeyaasha dalalka Jaamacadda Carabta ugu baaqay in ay taageeraan dowladnimada Soomaaliya, dhiirrigeliyaanna maalgashigeeda.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Jaamacadda Dowladaha Carabta oo soo dhaweeyay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.

Muqdisho-SONNA-Mudane Axmed Aboul Gheit, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Dowladaha Carabta, ayaa soo dhaweeyay ansixinta ugu…

March 12, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka XFS ayaa booqday haweeney isbitaalka Banaadir ku dhashay Afar Carruur ah oo mataana ah

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa booqday Hooyo Soomaaliyeed oo Afar Gabdhood…

GudahaWararka
March 31, 2023

Duqa Muqdisho oo Safiirka Talyaaniga ee Soomaaliya ku wareejiyay dhismaha Casa Italia

Muqdisho-(SONNA)-Safiirka jamhuuriyadda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mr. Alberto Vecchi ayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga mahadceliyay sida uu uga jawaabay codsigoodii…

GudahaWararka
September 12, 2023

Gobolka Banaadir iyo Safiirka Turkiye oo ka qeybgalay olole nadaafadeed oo ka dhacay Muqdisho

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)  iyo Safiirka Dalka Turkiye ee Soomaaliya Mudane Alper…

Gudaha
February 6, 2026

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Duqa Muqdisho oo ka wada hadlay dhismaha golayaasha dowladdaha hoose

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Cali Yuusuf Cali - Xoosh ayaa maanta booqday…

GudahaWararka
April 23, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023