Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Hambalyo ku aadan maalinta Shaqaalaha Adduunka u diray dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed, gaar ahaan Shaqaalaha iyo Howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Duqa Muqdisho ayaa ku amaanay shaqaalaha Maamulka G/Banaadir iyo D/H/X, dhabar adeega iyo duruufaha adag oo ay ku shaqeeyaan iyo sida ay ugu taagan yihiin horumarinta Caasimadda. Waxa uuna munaasabada maalinta shaqaalaha awgeed kula dar-daarmay in ay sii laba jibaaraan shaqada iyo adeegyada ay u hayaan dalka iyo dadka maadaama dalkeenu uu ku jiro xaalad dib usoo kabanasho oo u baahan in laga shaqeeyo horumar.