Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) guddoomiyay shir looga arrinsanayay dhismaha biyo xireenka Sabbuuni, kaas oo ay ka qayb galeen masโuuliyiin ka socotay Wasaarradaha Beeraha iyo Waraabka, Tamarta iyo Kheeyraadka Biyaha heer Federal iyo kuwa Hirshabeelle.
Sidoo kale shirkan waxaa goobjoog ahaa deeq-bixiyayaasha mashruuca dib u dhiska biyo xireenka Sabbuuni (JOSP) oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Denmark iyo lix Hayโaddood oo ka mid ah Qaramada Midoobe oo ay hoggaamineysay FAO.
Shirkan ayaa diirrada lagu saaray dardargelinta mashruuca dhismaha biyo xireenkaย kaas oo ay ka faaโideysan doonaan 2.5 Milyan.
Biyo xireenka waxa uu kaalin mug leh ka qaadan doonaa ka hortagga fatahaaddaha, keydinta biyaha si loo isticmaalo marka ay jirto biyo laโaan, yareynta faqriga, kordhinta wax soo saarka iyo u adkeysiga isbeddelka cimilada.
Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ka mahadceliyay dedaalka waqtigan lagu bixinayo mashruuca JOSP, isagoo sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yahay inuu fududeeyo wax walba oo sahlaayo in la hirgeliyo dhismaha biyo xireenka Sabbuuni.