Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay
    November 9, 2025
    Guddiga Horumarinta Adeegga Bulshada BFS oo kulan su’aalo–weydiin ah la yeeshay Wasiirka Caafimaadka
    November 9, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo xarigga ka jaray Warshad soo saarta Biraha Shubka
    November 8, 2025
    RW Ku-xigeenka “Maalgelinta cimiladu ma aha sadaqo, ee waa iskaashi loogu talagalay isbeddel iyo xalal-waara.”
    November 8, 2025
    Golaha Shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka hannaanka lacag bixinta Qaranka
    November 8, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
    Xamaas oo heshay dammaanad-qaad iyo Israel oo ogolaatay xabbad joojinta Gaza
    October 10, 2025
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Caasimadaha (31-ka Oct)
    October 31, 2025
    Dib-u-kabasho iyo tubta horumarka
    October 21, 2025
    Tiigsigii wuu taabbo-galayaa
    October 20, 2025
    Xuska 14-ka Oktoobar ee Qaraxii Soobbe
    October 14, 2025
    Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya
    October 12, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
Reading: Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda Tanzania kaga mahadceliyay taageeraddii Soomaaliya ee ku biirista EAC
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda Tanzania kaga mahadceliyay taageeraddii Soomaaliya ee ku biirista EAC
GudahaWararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda Tanzania kaga mahadceliyay taageeraddii Soomaaliya ee ku biirista EAC

By Bile
Last updated: April 27, 2024
4 Min Read
Share

Dar Es Salaam-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Midowday ee Tanzania Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa maanta wadahadal ku yeeshay Madaxtooyada magaalada Dar Es Salaam.

Kulankan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo la iska kaashado dhinacyo badan oo ay ka wada faa’iideysan karaan labada dhinac.

Dhinacyada ay labada dal isku af-garteen inay ka wada shaqeeyaan ayaa waxaa ka mid ah siyaasadda, amniga iyo difaaca, arrimaha bulshada, caafimaadka, waxbarashada, beeraha, dalxiiska iyo dhammaan arrimaha Iskaashiga guud ee labada dal ay wadaagi karaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka mahadceliyay martiqaadka iyo soo dhoweynta.

Dowladda Tanzania u fidisay isaga iyo wafdigiisa, iyo weliba sida ay Dowladda Tanzania u garab istaagtay qadiyadda dhowrista madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya kadib xadgudubkii ay ku kacday Dowladda Ethiopia oo heshiis sharci darro ah la gashay maamulka Somaliland ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka mahadceliyay doorkii ay Tanzania ka qaadatay in Soomaaliya ay ku biirto Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ee EAC, isagoo dhanka kalena xusay in Tanzania ay tusaale lagu dayan karo u tahay waddamada Afrika intooda badan marka loo eego dhinacyada xasiloonida siyaasadda, wadajirka ummadeed iyo amniga. Waxaana uu soo dhoweeyay is-afgaradka labada waddan ee Iskaashiga iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ayaa dhankeeda ka mahadcelisay booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo ka qeyb-galkiisa xuskii sannad-guuradii 60-aad ee maalinta Midowga ee Jamhuuriyadda Tanzania.

Madaxweyne Samia ayaa xustay, isla markaana soo dhoweysay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsatay ee dhinaca amniga, diblomaasiyadda iyo adeegyada kale tan iyo markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay bishii May 2022-ka.

Madaxweynaha Tanzania ayaa sheegtay in dalkeeda uu si buuxda u garab taagan tahay Soomaaliya, ayna ku faraxsan tahay in bog cusub u bilowdo xiriirka labada dal, kaas oo ku saleysan iskaashi, wax wada qabsi iyo is ixtiraam.

Waxaa sidoo kale ay Madaxweyne Samia aqbashay martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah inay soo booqato Soomaaliya.

Kulanka gaarka ah kadib, ayaa waxaa labada Madaxweyne ay si wadajir ah u guddoomiyeen wadahadal rasmi ah oo labada dal ay yeesheen oo looga hadley sidii loo fulin lahaa qodobada ay ka wadahadleen ee iskaashiga labada dal.

Kulankaasi waxaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Caddaaladda Mudane Xasan Macallin, Wasiirka Warfaafinta Mudane Daud Aweis Jama, Danjiraha Soomaaliya u fadhida Tanzania Zahra Ali Hassan iyo saraakiil kale.

Dhanka Tanzania waxaa Madaxweyne Samia Suluhu Hassan wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane January Yusuf Makamba, Wasiirka Caafimaadka Dr Ummy Mwalimu, Wasiirka Qorsheynta Dr Kitila Mkumbo iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale maanta booqday Hay’adda Kaydinta Dawoyinka Tanzania ee MSD iyo Isbitalka Muhimbili halkaas oo warbixin ku saabsan qaabka ay labada dal uga wadashaqeyn karaan iskaashiga kobcinta adeegyada caafimaadka kaga dhegeystay Wasiirka Caafimaadka ee Tanzania Dr Ummy Mwalimu.

TAGGED:Madaxweyne Xasan Sheekh oo dowladda Tanzania kaga mahadceliyay taageeraddii Soomaaliya ee ku biirista EAC
Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay saraakiil ka socotay Ururka Dalxiiska Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay

Riyadh(SONNA);-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa magaalada…

November 9, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ka qeyb galay munaasabad uu xilka kula wareegayey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada “SAWIRRO”

Muqdisho (SONNA)-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xulka kula…

GudahaWararka
May 20, 2021

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka oo daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka

Muqdisho, (SONNA):- Agaasimaha Guud Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa maanta daah furay hanaan casri ah…

GudahaWararka
March 7, 2024

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir hadana ah musharax madaxwayne Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in RW Rooble la garab istaago

Muqdisho,(SONNA)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir hadana ah musharax madaxwayne Taabid Cabdi Maxamed ayaa ku baaqay in Ra'iisul Wasaaraha JFS mud.…

Gudaha
May 2, 2021

Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka oo furmi doono 9ka Oktoobar

Muqdisho-(SONNA)- Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyey in Kalfadhiga 6aad ee Golaha Shacabka uu furmi doono maalinta Arbacada ah ee soo…

Wararka
October 5, 2019

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023