Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ba Shucuubta Islaamka ugu hambalyeey munaasabada Ciidka.
Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyey Nabad iyo horumar waara sidoo kale na kula dardaarmay in ay ilaashadaan Nabadda iyo Xasiloonida dalkooda.
Madaxweynaha ayaa Ugu dambayn u duceeyey Geesiyaasha Qaranka ee kala duwan kuwaas oo guluf dagaal oo miro dhalay la galay Khawaarijta kana sifeeyey badi deegaamadii Khawaarijtu ku dhuumanaysay.