Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha
    January 9, 2026
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya
    January 9, 2026
    In ka badan 22 khawaarij ah oo lagu laayey Gobolka Bay
    January 9, 2026
    Soomaaliya iyo Singapore oo ka wadahadlay Arrimaha Soomaaliya iyo qodobbo kale
    January 9, 2026
    Ciidanka Xoogga iyo Saaxiibada Caalamka oo Jubbada Dhexe  ku dilay maleeeshiyaad khawaarij ah
    January 9, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar  
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga & Barakacayaasha Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada oo shiryeeshay
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga & Barakacayaasha Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada oo shiryeeshay
GudahaWararka

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga & Barakacayaasha Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada oo shiryeeshay

By Aadan Sooyaal
Last updated: March 25, 2024
3 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo shir la yeelatay madaxda Hay’adaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka oo ku qabsoomay qaab fugaan arag ah (ZOOM Meating) ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ku jiraan sidii loo sameyn lahaa qorshe hawleed mideysan oo ay u dhanyihiin dhamaan Maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir, iyada oo la iska kaashanayo sidii wax loogu qaban lahaa Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool gudaha dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa ka warbixisay waxyaabihii u qabsoomay, waxayna sheegtay in sharcigii Qaxootiga iyo magangalyadoonka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isla markaana ay dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo hirgalintiisa waxayna xustay in mardhow la bilaabi doono sidii luuqadaha Qalaad loogu Turjumi lahaa sharciga, si deeq-bixiyaashu ula jaanqaadaan.

Sidoo kale guddoomiye Safiyo ayaa xustay in sharciga barakacayaasha isna uu meel fiican maraayo, kaasi  oo hadda horyaalla Mudanayaasha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

“Sharciyadaan ayaa wax badan ka taraya sidii loo maareyn lahaa deeqaha iyo waxqabadka dadkeena nugul ee barakacaaysha ah, waxaana ka dhalan doona in ay hay’adaha dowladda ee heer faderaal iyo heer gobalba in ay awood u yeeshaan la xisaabtanka iyo jiheynta qorshayaasha wax loogu qabanaayo bulshadeena Soomaaliyeed ee ay saameysay isbadalka cilimilada,” ayay tiri Gudoomiye Safiyo.

Kulanka maanta ayaa Sidoo kale waxa looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa fulinta balan-qaadyadii shirkii GENEVA ee 2023 iyadoo loo abbaaraayo qorshe Wadajir ah.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sidii lagu abbaari lahaa xalka dadka barakacyaasha ah, iyada oo lagu saleynaayo baahida dadkeena iyo sidii dhaqaaale loogu abuuri lahaa, iyada oo lagu salaynaayo deegaan walba iyo baahiyaha ka jira.

May be an image of text

Inta uu socday kulankaan ayaa laysla meel dhigay in dadka Qaxootiga ah loo abuuro nolol lamid ah yaraan middii ay ku haysteen xeryaha qaxootiga dalalkii ay kasoo laabteen, sida Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo waxbarashada ubadka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga badali lahaa qorsha hawleedka 5ta-sano ee soo socoto Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka  si loogu daro balan qaadyadii GENEVA ee 2023.

“Xafiisyada Madaxweynaha Qaranka iyo Raisul Wasaaraha XFS waa ay ka go’antahay in sharcigaan la meelmariyo iyo in xal rasmi ah loo helo Barakacyaasha gudaha dalka, maadaama dadku  ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa” ayay hadalkeeda ku dartay gudoomaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo boqolaal shacab ah salaadda jimcaha kula oogay masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Baraakaraha

Muqdisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan qaar ka mid…

January 9, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasaaradda Warfaafinta XFS oo daahfurtay qorshaha ay shaqaalaha wasaaradda uga qeyb qaadanayaan dagaalka khawaarijta

Muqdisho(SONNA);-Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya oo ka duulaysa qorshaha ciribtirka Khawaarijta ayaa u daahfurtey qorshe shaqaalaha wasaaradda…

GudahaWararka
August 27, 2023

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka tacsiyeeyay dil loo geystay muwaadiniin Turki ah

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Türkiye Alper…

Gudaha
April 5, 2024

War-saxaafadeed: In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta oo lagu dilay howlgal ka dhacay Galmudug

Muqdisho (SONNA) In ka badan 80 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug,…

GudahaWararka
February 21, 2023

𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗿𝗮𝗱𝗮 𝗫𝗙𝗦 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗮𝗻𝘁𝗮 𝗺𝗲𝗲𝗹 𝗺𝗮𝗿𝗶𝘆𝗲𝘆 𝗵𝗲𝘀𝗵𝗶𝗶𝘀 𝗶𝘆𝗼 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗰𝗶 𝗺𝘂𝗵𝗶𝗶𝗺 𝗮𝗵

Muqdisho(SONNA):-Kulanka Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxaa shir guddoomiyey ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane…

GudahaWararka
January 19, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023