Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah
    September 6, 2025
    Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya
    September 5, 2025
    Cumar Cabdulqaadir oo ka mid noqday garsooreyaasha koobka aduunka ee FIFA
    September 5, 2025
    Xoghayaha Guud ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka oo Shir uga qayb galay Dublin
    September 5, 2025
    Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo qado sharaf u sameeyey wakiilka gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya
    September 5, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
    Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga
    August 15, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
    La yaab yaysan kugu noqon
    August 27, 2025
    MA DOONEYSAA ABAALMARIN GAAREEYSA ILAA $10 MILYAN OO DOLLAR?
    August 23, 2025
    Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)
    August 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: Fadaa’isha Bisha barakaysan ee Ramadan (MAQAAL)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Fadaa’isha Bisha barakaysan ee Ramadan (MAQAAL)
GudahaMaqaallada

Fadaa’isha Bisha barakaysan ee Ramadan (MAQAAL)

By Ruush Abdullahi
Last updated: March 11, 2024
7 Min Read
Share

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xalay xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii Culimada Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ay Studiyaha Telefishinta Qaranka Soomaaliyeed ku dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Maanta oo ah 11-ka bisha Marso, kuna beegan 1-da bisha barakeysan ee Ramadan ee sanadka 1445-ka Hijrada u bilowday inta badan Muslimiinta Caalamka bisha kheyrka badan ee Ramadan.

Ramadaanta ayaa waxay ka mid tahay Rukunada adag ee Diinta Islaamka, iyadoo lagu wado in Muslimiin gaaraya tiradooda 1,8-Bilyan inay Bishaan soomaan, inkastoo ay jiraan qaar ka mid ah Muslimiinta ay heystaan caqabado waxaana ka mid ah Muslimiinta Falastiin oo bishan Barakeysan la kowsanaaya Duqeynta iyo go’doominta Ciidamada Sahyuunadda Yuhuuda.

Sidaasi awgeed waxaan qormadaan uga hadleynaa Fadaa’isha ay leedahay Bisha Ramadaan,  mana aha wax lagu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeenaa in aan wax yar ka tilmaano waxooga ka mid ah fadaa’ishaasi:-

Waxyaabaha Rabbaaniga ah waxaa ka mid ah in uu Allaha kala fadilo waqtiyada, wuxuu ka fadilay Bisha Ramadaan dhammaan bilaha kale ee Sanadka,wuxuu ku gaaryeelay Bishan fadli aad u weyn oo ay uga soocan tahay bilaha kale,waxaana ka mid ah fadaa’isha kuwa soo socoda

  1. Waa Bishii la soo dajiyaya Quranka iyo dhammaan Kutubta kale ee Samaa’wiga ah.

قال الله تعالى Ilaaheey waxa uu yiri:-

{ شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُواْ الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ اللّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ } (185) سورة البقر

، وعن واثلة بن الأسقع رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( أنزلت صحف إبراهيم عليه السلام في أول ليلة من رمضان ، وأنزلت التوراة لست مضين من رمضان ، والإنجيل لثلاث عشرة خلت من رمضان ، وأنزل الفرقان لأربع وعشرين خلت من رمضان ) رواه أحمد .

 

  1. Waa Bisha la faradyeelay Soonka.
  2. Waa Bisha Towbada iyo dambi dhaafka.

Allaah wuxuu Quraanka Kariimka ah ku yiri: waxaan idinku waajib yeelay Soonka; Hadaad tihiin Ummadda ‘Nab’i Muxamed (NNKH), sida aan ugu Waajib yeelnay ummadihii idinka horeeyey, waxaad mudan tihiin inaad cabsataan. Sidoo kalena Allaah wuxuu xadiisu Qudsi ku yidhi:-Soonka aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka abaal marin doona Adoomadayda. Rasuulkeena suuban (SCW) wuxuu xadiis saxiixa ah ku yidhi “Soonka Bilawgiisu waa Raxma, Dhexdhaxaad kiisuna waa dambi dhaaf, dhammaadkiisna Naarta ayaa la’iska xoreeyaa”.

KHAYRKA BISH SOON

  • Quraankaa soo Dagay
  • Leylatul Qadar ayaa ku jirta
  • Albaabada cadaabta ayaa la xiraa.
  • Albaabada Jannada ayaa la furaa
  • Sheydaanka la xiraa
  • Waa bil cibaado badan
  • Gaajada oo laga wada sinnaado
  • Waxay beertaa is jaceyl.
  • Sakada Soonka oo nafta daahirisa.

NOOCYADA SOONKA

  • Bisha Soon (faral)
  • Lix beri shawaal (sunne)
  • Toban beri dul xajih (sunne’)
  • .Laba beri caa,shuutaa;(sunne)
  • Isniin & Khamiis (sunne)
  • Bil kasta seddex beri (sunne)

SOONKA YUU WAAJIB KU YAHAY?

  • Qofkasta.oo Muslim ah
  • Qof qaan gaar ah.,
  • Qof miyir qaba.
  • Qof aan waayeel ahayn.
  • Qofkii caafimaad qaba.’
  1. Dumar aan Uur lahayn
  2. Dumar aan ilmo nuujineyn.
  3. Dumar aan caado qabin
  4. Dumar aan umul aheyn.
  5. Qof aan musaafir ahayn.

MAXAA SOONKA JEBIYA?

  1. Gaalmada
  2. Diinta oo laga baxo lana caayo
  3. Shahwad iska keenid adoo soo jeeda.
  4. Haddii uu qofku wax cuno ama wax cabo ula kac ahaan.
  5. Haddii uu isku mudo Irbad qofka jirkiisa nafaqo galinaysa,
  6. Dhiig bax qofku la taag darreeyo
  7. Dumarka oo Caado ku dhacdo ama Umula.
  8. Haddii toobinku dhiig kaa keeno.
  9. Haddii uu ula kac u matago.

WAXYAABAHA AAN SOONKA JEBIN HADDII AY DHACAAN.

  1. Qof Soomanaa haddii uu wax cuno ama cabo isagoo hilmaansan.
  2. Hadduu-cabo asagoo u qaba in qoraxdii dhacday ama in uusan waagu baryin.
  3. Haddii luqluq ku fakado.
  4. Haddii qof isku junubo asagoo hurdo.

SOONKA MUXUU DAAWO U YAHAY?

  1. Dibirada Caloosha.
  2. Joojinta Sigaarka iyo dhammaan Balwadaha kale
  3. Calool xanuunka.
  4. Iscaateynta qofka buuran.
  5. Xanuunka macaanka ama Sokorta
  6. Kelyo xanuunka.
  7. Wadna xanuun.
  8. Gaastiriiga.
  9. joojinta cunista qaadka .

Sidaa awgeed waxaynu ku qasbanahay in aynu qiimayno sirta bishan barakeysan ee Ramadaan ku jirta ee loo baaahan yahay in lagu dhaqmaana ay tahay in la ilaaliyo dhegaha, Afka iyo Carabka, si aan dembi loo gelin, isla markaana Qur’aan badan la akhriyo, Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in uu bisha barakaysan inoo naxariisto, dembigeenana uu dhaafo oo uu naarta inaga xorreeyo. Marka la ducaysanayana waxaan soo jeedinayaa in lagu daro ducada Illaahayow arlada aanu degganahay noo aslixi, naguna cisee dambi dhaafna noo samee. Waxaa soo marnay ama aan la kulanay dunuub badan oo ilaahay inaga jarayo, haddii aanan si dhab ah loo toobad keenin, sidaa awgeed, waa in laga toobad keeno, islamarkaana la badiya Istiqfaarta iyo ducooyinka.

Ugu dambeyn “Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan. Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu  duceeyaan amni iyo barwaaqo. Alle ha inaga  aqbalo acmaasha wanaagsan. Ramadaan kariim”, sidaasina waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

 

W.D:-C/laahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

NISA oo hawlgal ku dishay in ka badan 12 khawaarij ah

Galgaduud(SONNA):-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal…

September 6, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxwayne Kuxigeenka Galmudug oo xilka ka xayuubiyay Wasiirkii arrimaha guddaha Galmudug

Wasiirkii arrimaha guddaha Galmudug Cabdi Waayeel oo lagu eedeeyay in uu colaad ka huriyay Degmada Balanballe isla markaana uu jabiyay…

GudahaWararka
May 29, 2021

Soomaaliya iyo Masar oo yeeshay wada-hadallo la xiriira qorshaha ka qeyb galka Masar ee AUSSOM 

Qaahira(SONNA):-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo gabagebeysay wada-hadallo dhanka farsamada ah oo ay la yeelatay Jamhuuriyadda Carabta Masar, kuwaas oo…

GudahaWararka
January 27, 2025

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka qebgalay kulan looga hadlayay dardargalinta amniga Caasimada

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa xarunta degmada Cabdicasiis uga qeyb galay kulan looga…

GudahaWararka
March 5, 2023

Wasaradda Awqaafta XFS oo shaacisey Jaangoynta sicirka xajka ee sanadkaan

Muqdisho.SONNA...Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qoraal ku saabsan  qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sankaan…

Gudaha
February 9, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023