Muqdisho (SONNA): Shir looga hadlayey qiimaha ay quudinta ardayda dugsiyada Soomaaliyeed ay u leedahay horumarinta kartida iyo karaanka aadanaha (Human Capital Development) ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay Soomaaliya martigalisay ayaa waxaa qeyb ka ahaa waddamada Faransiiska iyo Finlaan oo hadda si wadajir ah u guddoomiya Isbahaysiga Quudinta Ardayda Dugsiyada (School Meals Coalition).
Ujeeddada shirkan ayaa ahayd in la soo bandhigo qiimaha iyo saamaynta wanaagsan ee quudinta ardaydu u leedahay sare u qaadista waxbarashada ubadka, iyo in loo qareemo barnaamijka quudinta ardayda. Waxaa kale oo shirka ka soo qeybgalay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta dalalka aynu saaxiibbaha nahay ee taageera waxbarashada sida Midowga Yurub, Talyaaniga, Madaxa Hayโadda Cuntada Adduunka u qaabbilsan Soomaaliya iyo madaxda hayโado badan oo caalami ah. Masโuuliyiin ka socday Rugta Ganacsiga, iyo qaar ka mid ah shirkadaha waaweyn ee ganacsiga dalka ayaa iyagana shirkan ka soo qeybgalay.
Wasiirka Waxbarashada oo hadal dheer ka jeediyay shirka, ayaa si weyn u tilmaamay ahmiyadda ay quudinta ardayda dugsiyada u leedahay koboca waxbarashada ardayga Soomaaliyeed. โWaxa aan doonaynaa in dugsiyadu noqdaan goobo daryeel iyo danqasho siiya ubadka Soomaaliyeed, in iskuuladu noqdaan meel ubadku ka dugsado jahliga iyo gaajadaโ, ayuu yiri Wasiir Faarax Cabdulqaadir.
Masโuuliyiinta u hadlay dalalka Faransiiska iyo Finlaan ayaa iyagana tibaaxay qiimaha quudinta ardayga, waxaana ay ballanqaadeen in ay garab taagan yihiin taageeridda wax walba oo lagu kobcinayo karaanka aadanaha ee ardayga Soomaaliyeed.