Jowhar (SONNA): Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 3-aad ee qaybta 27-aad ayaa gacanta ku soo dhigay laba dhagarqabe oo miinooyin ku aasayey inta u dhaxeysa magaalooyinka Jowhar iyo Xawaadley ee gobolka shabeellaha dhexe, si waxyeelo ugu geystaana shacabka soomaaliyeed ee sida maalinlaha u isticmaala.
Dhagarqabaayasha ayaa lagu kala magacaabaa Ibraahim iyo Cabdiraxmaan Muuse, waxaana ayne u qaabilsanaayeen dhinaca howlgalada miinooyinka, iyaga sheegtay in muddo ah ay ka tirsanaayeen kooxda cadowga Khawaarijta.