Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka
    January 10, 2026
    Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”
    January 10, 2026
    Ururka Iskaashiga Islaamka oo cambaareeyay Aqoonsi beenaadka Israa’iil ee Somaliland
    January 10, 2026
    Dhallinyaro loo qabtay xirfado kor loogu qaadayo aqoontooda
    January 10, 2026
    Maxay ka wada hadleen Wasiirka Kalluumeysiga XFS iyo Safiirka Itoobiya?
    January 10, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
    Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka
    December 29, 2025
    Xuska Maalinta Ciidanka Boliiska ee 20-ka Disembar ย 
    December 20, 2025
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: February 15, 2024
6 Min Read
Share

Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku qaabilay Kaaliya Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka u qaabilsan Arrimaha Afrika Molly Phee oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

2- Madaxweyne Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ee Arrimaha Afrika Molly Phee oo ka qeybgaley munaasabad ay labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka ku kala saxiixdeen heshiis is afgarad oo lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo sheegay inuu ka qeybgelayo Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee ka dhacaya Addis Ababa, isagoo sheegay in shirkaas uu muhiim u yahay inay Soomaaliya mar kale ku soo bandhigto dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida dalka, kadib markii Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kismaayo kulan ku saabsan hawlgalada ka dhanka ah Al Shabab iyo xaaladda guud ee dalka kula yeeshay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madobe).

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuurgalaya xaaladda amni ee caasimadda ayaa booqday qaar ka mid ah suuqyada ganacsiga magaalada Muqdisho.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dowladda iyo shacabka Isutagga Imaaraatka Carabta uga tacsiyeeyay geerida saraakiil dalkaasi u dhashay oo lagu dilay weerar argagixiso oo Muqdisho ka dhacay.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo amar ku bixiyay in baaritaan lagu sameeyo weerarkii argagixiso ee lagu dilay saraakiil u dhashey Isutagga Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya oo ka dhacay xerada General Gordan.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday Safaaradda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho , isagoo u tacsiyeeyay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho kulan wadatshi ah kula qaatay culimada Soomaaliyeed, isagoo uga warbixiyey mudnaanta uu siinayo in dalka laga xoreeyo argagixisada Al Shabaab, xoojinta midnimada iyo xasilinta dalka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la kulmay Xildhibaanada Haweenka ah ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

11- Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo billaabay ka doodista dib u eegista iyo wax ka beddelka afar cutub oo ka mid ah Dastuurka Ku Meel Gaarka ah Ee Soomaaliya.

12- Xildhibaanada Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey in Soomaaliya ku biirto Urur Goboleedka iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).

13- Ku-Simaha Raโ€™iisal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo guddoomiyey shir ku saabsan xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada Soomaaliyeed, kaas oo ay ka qayb galeen hayโ€™adaha kala duwan ee dowladda qaarkood.

14- Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay 10 safiir oo cusub oo ka howlgeli doona qaar ka mid ah dalalka caalamka ee aan wadaagno xiriirka diblumaasiyadeed.

15- Wasiirka Difaaca Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa uga tacsiyeeyay geerida saraakiisha Imaaraadka ahaa ee ku dhintey weerarkii argagixiso ee ka dhacay xerada General Gordan ee Muqdisho.

16- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur iyo Wasiirka Difaaca Turkiga YaลŸar Gรผler ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis lagu xoojinayo iskaashiga dhinaca amniga iyo difaaca labada dal.

17- Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa magaalada Entebbe ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow.

18- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho ku qaabilay Xildhibaanno ka socda labada aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Awdal.

19- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige oo dalka Isutagga Imaaraadka Carabta uga qeybgalay shir sannadeedka Heyโ€™adaha Maaliyadda Carabta

20- Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjiranimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Kenya u fadhin doono Soomaaliya Mudane Cyprian Kupay Iringo

21- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo gaadiid caafimaad ku wareejisay Ciidanka Asluubta iyo Gobolka Banaadir.

22- Wasiirka Dhallinyarada Soomaaliya Mudane Maxamed Barre oo magaalada Dubai uga qeyb galay shirka Wasiirrada Dhallinyarada Wadamada Carabta.

23- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa gawaarida gargaarka degdegga ah ku wareejiyay Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Jubbaland.

24- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa kulan la qaatay hawlwadeenada Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka.

25- Wasaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa soo saartay qiimaha ay ku xajin doonaan xujeyda Soomaaliyeed ee sannadkan 2024 oo noqonaya $4,430 dollarka Mareykanka ah.

26- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa hawlgal milateri ka fuliyay galbeedka magaalada Kismaayo, halkaas oo ay ku dileen 27 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab.

27- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dilay shan xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabaab oo isku aruursanayey deegaannada kala ah Garas, Ceel Mareer iyo Kurto oo ka tirsan gobolka Bay.

28- Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka degaanka ayaa howlgal ka dhacay Degmada Ceel Dheer ee Gobolka Galgaduud ku soo qabtay Mowlid Cali Dhuxulow oo ka tirsanaa Khawaariijta Al Shabaab.

29- Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Masiibooyinka ayaa deeq aadminimo kala wareegay Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

Muqdisho,(SONNA):- Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada…

January 10, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Soomaaliya iyo Sweden oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga ee labada dowladood

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Boqortooyada Sweden ee Soomaaliya, Mudane…

GudahaWararka
May 21, 2025

Maxkamadda Ciidamada qaybta Koonfur galbeed oo xukun dil ah ku fulisay xubno hore dilal u geystay

Baydhabo(SONNA):-Xuseen Cali Macalim limaan (Gurey) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, Cabduwaaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsan Militaryga iyo…

GudahaWararka
October 21, 2023

Wasiirka Shaqada oo tababar u soo xiray arday Soomaaliyeed oo ku nool dalka Uganda

Kampala (SONNA) - Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada iyo Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo tababar u soo xiray arday…

Wararka
February 11, 2020

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday furimaha dagaalka si uu u dhiirrigeliyo ciidamada qalabka sida

Baydhabo(SONNA):-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa booqday furimaha hore ee dagaalka si uu u dhiirrigeliyo Ciidamada…

GudahaWararka
May 4, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023