Muqdisho,(SONNA):- Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu biirtay ururka dhaqaalaha bulshada Bariga Afrika ee ( EAC), kaas oo ah mid ka mid ah udub-dhexaadyada Midowga Afrika oo aad u kobcayaa, waana suuq 300 oo milyan oo qof ah.
Golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa meelmariyay ku biirista ururkan, haddaba su’aasha isweydiinta mudan waxay tahay muhiimad intee la eg ayuu dalka u leeyahay heshiiska ku biirista ee EAC?.
Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo ah ergayga madaxweynaha JFS u qaabilsan ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ayaa ka warbixiyay faa’idada Soomaaliya u leedahay ku biirista ururkan,isagoo dhanka kale, u mahadceliyay xildhibaanada Baarlamaanka oo ansixiyay.
” Waxa aan soo wadnay muddo labo sanno ku dhow ayaa maanta la soo afjaray, waxana weeyeย guulweyn oo u soo hoyotay dadka Soomaalida, waxaan ka mid nahay waddankii 8-aad ee ku biira isbaheysiga bariga Afrika, waxaan ku biiray 300 milyan oo suuq ah, waxaan ku biiray walaalaheen oo East Afrika oo qaarkood ina laba joogaan hadda sida Uganda, Kenya iyo Burundi, marka maanta guul weyn baa Soomaaliya u soo hoyotay, waxaana jecel lahay in aan u mahad-naqo xildhibaanadii ka soo shaqeeyay oo maanta ansixiyay iyo madaxweynaha oo mar walba hiil iyo hoo ila garab taagnaa,” ayuu yiri Mr. Hadliye.
Cabdilsaan Hadliye, oo sii hadlayay ayaa tilmaamay in tallaabada ugu horeyso oo hadda la qaadayo in ay tahay sidii loo mideyn lahaa macaamiisha ( Custom-ka), siddeedda wadan iyo in la sameeyo hal suuq ( one-market), si ay u suurta gasho in qof kasta meeshi uu rabi tegi karo kana ganacsan karo, islamarkaana maalgashan karo.
Sidoo kale, wuxuu qorshuhu yahay in la sameeyo lacag ay ku mideysan yihiin siddeeda wadan ee ururkan ku jira, kuwaas oo kala ah Kenya, Uganda, Tanzania, Suudaanta Koofureed, Burundi, Rwanda iyo Soomaaliya, sidoo kale, ururku ayaa qorsheynaya inuu isku ballaariyo Geeska Afrika.
Ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ee (EAC), ayaa ah urur gobolleed xaruntiisu tahay magaalada Caruusha ee dalka Tanzania, kaas oo dhismay sanadkii 2000, kadib heshiis ay gaareen shan kamid ah toddobada dal ee uu hadda ka kooban yahay. Suudaanta Koofureed ayaa xubinnimada EAC heshay bishii September 2016, halka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ay ururkan ku biirtay bishii April ee sanadkii hore.