Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    ๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š
    December 14, 2025
    Madaxweynaha JFS oo qaatay Kaarka codbixinta ee Doorashada Golaha Deegaanka
    December 13, 2025
    Arday aan gelin Imtixaanka Dowladda ee 2015 -2016 oo loo ogolaaday in la siiyo Shahaaddada
    December 13, 2025
    RW Xamsa Cabdi Barre oo Wasiirro cusub magacaabay
    December 13, 2025
    Wasiirka Difaaca XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Capt. Antonino Mazzocca
    December 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya
GudahaWararka

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

By Aadan Sooyaal
Last updated: January 24, 2024
6 Min Read
Share

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Binu Xamad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo xaaladda gobolka.

2- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa kulan ku yeeshay magaalada Qaahira, waxayna si wadajir ah uga hor yimaadeen xadgudubka Ethiopia ay ku hayso qaranimada Soomaaliya.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Masara Cabdel Fataax Al-Sisi ayaa sheegay in dalkiisu uu si buuxda u taageerayo una difaacayo Somalia kadib xadgudubka ay ku kacdey Ethiopia ee ka dhanka ah qaranimada Soomaaliya.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale sheegay in xadgudubka ay ku kacdey Ethiopia uu fursad siinayo argagixisada Khawaarijta sii liicaysa.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Qaahira kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, isagoo ku bogaadiyay goโ€™aanka Jaamacadda Carabta ay ku taageerta dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

6- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Amiirka dalka Qatar ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalin jebinayeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Cirka ee dalalka Soomaaliya, Qatar iyo Urdun oo ka dhacdey magaalada Dooxa.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Dooxa kula kulmay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Maxamed Cabdullaali Farmaajo oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka.

8- Madaxweyne Xasan Sheekh oo Qaahira kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Mudane Caadil Bin CabdulRaxman Al-Casoomi.

9- Madaxweyne Xasan Sheekh oo magaalada Qaahira kula kulmay Imaamka Al-Azhar Sheekh Axmed El-Tayeb.

10- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka, si uu ugu kuurgalo howlaha shaqo ee ay qaranka u xilsaaran tahay wasaaraddaasi, ka dib geeridii Wasiirkii hore (AUN) Khadiija Maxamed Diiriye.

11- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada howlgallada Mr. Atul Khare oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada ay Qaramada Midoobay siiso Soomaaliya.

12- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay shir uu isugu yeeray madaxda hayโ€™adaha amniga oo looga hadlayay xaaladda guud ee amniga, ciribtirka Khawaarijta iyo difaaca dalka.

13- Golaha Wasiirrada oo soo dhaweeyay goโ€™aankii ka soo baxay shirkii Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Ururka Jaamacadda Carabta ee lagu taageeray qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya.

14- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Kampala ee dalka Uganda kaga qeyb galay shir-madaxeedka ururka dalalka ku bahoobay G โ€” 77 iyo China.

15- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweysay taageerada dalalka caalamka ee qadiyadda Soomaaliya ee dhowrista madaxbanaanideeda, qaranimada iyo midnimada dhuleed.

16- Hayโ€™adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa hawada Soomaaliya dib uga celisay diyaarad ka diiwaan-gashan dalka Thailand oo aan haysan fasax duulimaad taas oo ku socotay magaalada Hargaysa ee waqooyiga Soomaaliya.

17- Dowladda Mareykanka ayaa mar kale ku celisay is afgaradka sharci daradda ee Itoobiya iyo maamulka Somaliland ee Soomaaliya uu halis ku yahay nabadgalyada Geeska Afrika iyo dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada Al Shabab.

18- Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay xisaab xirka sannad maaliyadeedka 2022-ka.

19- Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderalka Soomaliya Fardowsa Cismaan ayaa magaalada Riyadh Boqortooyadda Sacuudiga kulan kula qaadatey Madaxa Sanduuqa Horumarinta Sacuudiga, Sultan Bin Abdirahman Al-Marshad.

20- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa xafiiskiisa kula kulmay masโ€™uuliyiin ka tirsan Hayโ€™adda Taageerada Doorashooyinka ee Midowga Yurub oo ay ka wadahadleen barnaamijyada qabashada doorashooyinka.

21- Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daaโ€™uud Aweys Jaamac ayaa warbaahinta dalka ugu hambalyeeyay Maalinta Warfaafinta ee 21 Janaayo, Isaga oo ku bogaadiyay shaqada muhiimka ah ee ay bulshada u hayaan.

22- Taliyaha Ciidanka Booliska S/Guuto Sulub Axmed Firin oo ku baaqay in loo midoobo xaqiijinta amniga iyo soo afjaridda kooxaha nabad-diidka.

23- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo biyo dhaamin u sameeyay qoysas Khawaarijta Al Shabab ka soo barakiciyeen degaanka Caad ee gobolka Mudug.

24- Ciidanka Hayโ€™adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ka dhacay degaanka Fiidow ee gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay 7 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab.

25- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya Ciidanka Cirka ee Mareykanka ayaa hawlgalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose ku dilay 4 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab.

26- Soomaalida gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in ay qabanayaan dibadbax ballaaran oo looga soo horjeedo xadgudubka Ethiopia ee ka dhanka ah qaranimada Soomaaliya.

27- Baarlamaanka Carabta ayaa si cad u taageeray, qaraniimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya kadib xadgudubkii ay ku dhaqaaqdey Ethiopia.

28- Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa howlgal milateri oo ka dhan ah Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay degaano ka tirsan Gobalka Bay ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed Soomaaliya.

ย ย  ย ย 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

๐‘๐šโ€™๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–asaaraha XFS ๐จ๐จ ๐ฑ๐š๐ซ๐ข๐ ๐ ๐š ๐ค๐š ๐ฃ๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐Œ๐š๐ฌ๐ซ๐š๐ฑ๐š ๐๐ซ๐จ๐Ÿ. ๐’๐ก๐š๐ซ๐ข๐ข๐Ÿ ๐’๐š๐š๐ฅ๐š๐ฑ ๐ž๐ž ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ๐š๐๐๐š ๐”๐ฆ๐ฆ๐š๐๐๐š

Muqdisho,(SONNA):- ย Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Caawa ka qeyb…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kumanaan shacab ah kula hadlayey Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho (Mogadishu Stadium)…

Wararka
July 5, 2023

Taliyaha Ciidanka XDS oo Isbitaalka ku booqday Askartii ku soo dhaawacantay furimaha dagaalka

Muqdisho-(SONNA)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa maanta isbitaalka ku booqday geesiyaasha XDS ee shalay jilibka…

GudahaWararka
July 16, 2024

11650 oo muwaadinin Soomaaliyeed ah ayaa gudanaya Waajibaadka Xajka

Muqdisho(SONNA):-Xujeeyda Soomaaliyeed ee ku sugan Magaalada Barakaysan ee Makkah Almunawaramaha oo maanta ay u tahay maalinkii siddeedaada,ayaa waxaa soconayo qaban…

Wararka
June 26, 2023

Tirada dadka Maraykanka ugu dhintay COVID-19 oo sare u kacday

Washington (SONNA)- Tirada dhimashada safmarka COVID-19 ee Mareykanka ayaa mareysa ku dhowaad 200,000 tallaadadan maanta ah, taas oo ka dhigan…

Wararka
September 22, 2020

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023