Muqdisho (SONNA): Maareeyaha xarunta Qaran ee hawlaha gurmadka deg-degga ah ee hay’adda maaraynta musiibooyinka mudane Xasan Cabdulqaadir Ciise ayaa maanta qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey madaxa mashaariicda hay’adda UNDP Xafiiskeda Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa ku ballamay in ay sii ballariyaan wada shaqeeynta iyo isweydaarsiga macluumaadka, in UNDP ka tayeeyso SoDMA Tababarada Shaqaalaha xarunta qaran ee howlaha gurmadka deg degga ah.
Madaxa Mashaaricda UNDP ayaa boggaadiyay hormarka ay Hay’ada SoDMA ku tilaabsatay, si gaar ah waxa uu tilmaamay in NEOC ay hirgalisay hab aruurin xogaha kala duwan ee khataraha ka dhasha sida Abaaraha, Fatahaadaha, Qaraxyada, Dabka, duufaanada iyo Ayaxa, xogahaas oo si fudud loola wadaagi doono madaxda Qaranka iyo cid kasto ay khuseyso.
Sidoo kale Wafdi Hay’adda UNDP Xafiiskeda Soomaaliya ayaa soo booqday Xarunta dhexe ee SoDMA iyaga oo Xarunta Qaran ee ka Digista halis wadareedka lagu tusay nidaamyada kala duwan ee lagula socdo xaaladaha ka digista halis wadareedka.