Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya
    September 28, 2025
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeybgalay Munaasabadda furitaanka Barnaamijka Xoojinta Af-Carabiga ee Soomaaliy
    September 28, 2025
    Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya
    September 28, 2025
    Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka oo kulan la qaatay sii-hayaha xilka Wasiirka Caafimaadka Botswana
    September 28, 2025
    Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Dalka Sacuudiga
    September 28, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgaly furitaanka meertada 80-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobay
    September 23, 2025
    Illaa kun ruux oo ku dhintay dhul go’ ay sababeen roobab ka da’ay Sudan
    September 2, 2025
    Dhulgariir geystay khasaarooyin kala duwan oo ka dhacay Afganistan
    September 1, 2025
    Madaxda Ruushka & W/Kuuriya oo todobad kadib ku wajahan Shiinaha
    August 28, 2025
    Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray
    August 16, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Wax ka ogoow Taariikhda Farsamo yaqaankii ugu horreeyay ee Raadiyo Muqdisho (SAWIRRO)
    September 24, 2025
    Guushu waa adigoo wax yar Cagaha Dhulka ku haya (FAALLO)
    September 15, 2025
    Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta
    September 15, 2025
    Gobolka Banaadir oo qeyb ka noqday abaabulka wajiga cusub ee la dagaalanka khawaarijta
    August 30, 2025
    Xogaha Shidaalka Soomaaliya (WARBIXN)
    August 29, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Safaaradda Soomaaliya ee kenya oo Hamblayo u dirtay Kooxda Dekadaha oo guul usoo hooyay Dalkeena
    September 28, 2025
    Dekedaha oo muujisay awood, kadib markii ay guul ka gaartay Al-Zamala
    September 21, 2025
    Kooxda Dekedaha soomaaliya oo Nairobi kula ciyaaraysa Al Zamala Sports Club
    September 20, 2025
    Maareeyaha Dekadda Muqdisho oo Sagootin u Sameeyay Kooxda Dekedaha
    September 15, 2025
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
Reading: Baarlamaanka Carabta oo taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Baarlamaanka Carabta oo taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
GudahaWararka

Baarlamaanka Carabta oo taageeray madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

By Khadar Mahdi
Last updated: January 21, 2024
2 Min Read
Share

Qaahira (SONNA): Baarlamaanka Carabta ayaa war-murtiyeed ka soo saaray xiisada ka taagan gobolka Geeska Afrika, iyagoo si cad u taageeray amniga, xasilloonida, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Warmurtiyeedka uu soo saaray Baarlamaanka ayaa waxaa ka mid ahaa qodobadan:

1aad: Wuxuu si buuxda u diiday isku dayga lagu xad-gudbay Qaranimada, Madax-bannaanida iyo Midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku baaqay in si buuxda loogu hoggaansamo qawaaniinta iyo mabaadiida deris-wanaagga, ixtiraamka madax-bannaanida dalalka iyo inaan la faragelinin. arrimahooda gudaha si loo ilaaliyo amniga iyo xasiloonida gobolka.

2aad: Waxa uu adkaynaya ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo in Gobollada Waqooyi (Somaliland) ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya sida waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

3aad: Baarlamaanku waxa uu cambaareynayaa heshiis-beenaadkii ay wada saxeexdeen dawladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland, maadaama uu heshiiskan xad-gudub ku yahay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

4aad: Baarlamaanka ayaa xaqiijiyay in falalka noocaan ah ay halis ku yihiin amniga iyo xasiloonida gobolka, ayna saameyn taban ku yeelanayaan xasiloonida gobolka Geeska Afrika iyo isu socodka gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.

5aad: Baarlamaanka Carabtu waxa uu si buuxda u taageerayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna soo dhaweynayaa go’aankii Golaha Ammaanka ee ku saabsanaa qaadista cunaqabateynta hubka ee saaranaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo bishii Janaayo 1992-kii.

6-aad: Wuxuu soo dhaweynayaa go’aankii dowladda Soomaaliya looga cafiyay deymaha dibadda oo gaaraya 4.5 bilyan oo doolar, kadib markii dib u habeyn lagu sameeyay maamulka maaliyadda dalka.

7-aad: Wuxuu ugu baaqayaa dalalka Carabta, beesha caalamka, hay’adaha gargaarka iyo deeq bixiyayaasha inay garab istaagaan Soomaaliya oo ay u fidiyaan nooc kasta oo taageero siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bani’aadanimo ah.

8-aad: Wuxuu Baarlamaanku ku nuuxnuuxsaday inuu si buuxda u garab taagan yahay Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, isla markaana guud ahaan gayiga Soomaaliya u gaaro horumar iyo barwaaqo waarta.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Amniga oo kulan la qaatay Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga…

September 28, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka Caafimaadka oo ka qayb galay shir caalami ah oo looga hadlayay barnaamijka “One Health”

Muqdisho(SONNA):'Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa magaalada Tunis uga qayb galay shir heer caalami…

GudahaWararka
June 15, 2025

Golaha Shacabka oo maanta guda-galaya ajeendayaal dhowr ah

Muqdisho.(SONNA)...Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda  caadiga ah ee magaalada Muqdisho kaga kaga hadli doona…

Wararka
January 4, 2020

Wasiirka Kalluumeysiga XFS oo la kulmay qaar ka mid ah Iskaashatooyinka Kalluumeysiga gobolka Banaadir

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan ayaa kulan la yeeshay qaar…

GudahaWararka
November 21, 2023

10 ka tirsan Khawaarijta oo hawlgal Hiiraan ka dhacay lagu dilay

Baladweyne (SONNA): Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta weerar culus ku qaaday koox Khawaarij ah oo si dhuumaaleysi…

GudahaWararka
July 13, 2024

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023