Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey
    April 21, 2026
    Wasiirka Warfaafinta oo Muqdisho ka furay tababar ku aaddan cilmi-baarista warbaahinta
    April 21, 2026
    Wasiirka amniga oo tababar u soo xiray Askar Daraawiish ah
    April 21, 2026
    Taliyaha CXD oo socdaal dhulka ah ku gaaray deegaano ka tirsan gobolka Baay
    April 21, 2026
    Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka
    April 21, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka
    April 12, 2026
    Markabka qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo Muqdisho laga sagootiyay
    April 11, 2026
    Hoggaamiyaha isbadalka (warbixin)
    April 9, 2026
    Soomaaliya oo diiwangalisay Markab ku howlgalaya Calanka Soomaaliya (WARBIXIN)
    April 5, 2026
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Xulka Qaranka Soomaaliya ee Kubadda cagta oo dalka Mozambique u amba-baxay
    March 21, 2026
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
Reading: Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda
Wararka

Wasaaradda Boostada oo faah-faahisay nuxurka Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 29, 2019
3 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tecnolojiyadda ayaa soo dhoweysay ansixinta Golaha Wasiirrada ee Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta, taas oo ah middii ugu horreysay ee uu Dalku yeesho.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya, Md; Eng Cabdi Cashuur Xasan, ayaa sheegay in siyaasaddan ay ku timid wada-tashiyo muddo dheer qaadatay oo lala yeeshay dhammaan daneeyayaasha kala duwan ee siyaasaddan.

Mudane; Canshuur ayaa xusay in Dalkeennu uu leeyahay mid ka mid ah Isgaarsiinta ugu casrisan Qaaraddan Afrika, hase yeeshee ay ku shaqeyn jireen Suuq uusan ka jirin sharci iyo siyaasad, balse Saddexdii Sano ee la soo dhaafay ay Wasaaraddu waqti badan galisay sidii loo sameyn lahaa nidaamkii iyo sharcigii lagu dhaqi lahaa shirkadaha.

“Hadda waxaan leenahay sharci, hay’ad Isgaarsiineed, iyo siyaasad Qaran, taas waxay micnaheedu tahay inaan leennahay nidaamkii sharci iyo siyaasadeed ee lagu sii horumarin lahaa, isla markaana ay ku soo jiidan karaan maalgashi dheeri ah,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa u mahadceliyay Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Siyaasaddan, wasaaradaha Isgaarsiinta ee Dowlad Goboleedyada, daneeyeyaasha kale ee fikirkooda ka soo dhiibtay muddadii wada-tashiyada iyo Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) oo taageero farsamo ku caawisay sidii loo heli lahaa siyaasad casri ah.

Siyaasaddan ayaa looga gol leeyahay in lagu taageero sidii loo xaqiijin lahaa yoolasha ugu waaweyn ee qorshaha horumarinta Qaranka, tubaha Qaranka iyo hiigsiga fog ee Xukuumadda ee ah sidii Teknoolojiyadda loogu adeegsan lahaa horumarinta dhaqaalaha iyo Bulshada, iyadoo sidoo kale istiraatiijiyaddan ay xoojineyso sidii wada-shaqeyn iyo isku-xirnaan ay u yeelan lahaayeen dhinacyada kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Dalka.

Qeybaha ugu waaweyn ee ay siyaasaddu xoogga saareyso Shanta Sano ee soo socota waxaa ka mid ah kordhinta helitaan Internet tayo leh oo qiima jaban, dhismaha kaabayaasha Isgaarsiinta, ilaalinta xogta macaamiisha, bixinta adeegyada Dadweynaha ee dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga, Beeraha (e-government, e-health, e-business, e-agriculture and e-education), dhismaha hannaanka dhaqaalaha ku saleysan internetka, iyo sidii loo abuuri lahaa xog badan oo afkeena ku qoran oo laga heli karo Internet-ka.

Ra’iisul-Wasaare Xasan Cali Kheyre, oo shirka Guddoominayay ayaa ugu baaqay Wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee Dowladda, shirkadaha ganacsiga, iyo hay’adaha ka shaqeeya horumarinta in ay Gacan ka geystaan fulinta siyaasaddan, iyadoo hawlahooda dhinaca Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ku saleynaya siyaasaddan.

Halkan ka aqriso nuqulka Af-Soomaaliga ee siyaasadda:
Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda

Siyaasadda-Qaran-ee-Isgaarsiinta-Teknolojiyadda

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Hawlgal lagu dilay maleeshiyaad Khawaarij ah oo Shabeellaha dhexe laga fuliyey

Muqdisho (SONNA): Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgallo…

April 21, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Tariikhda kooban ee AUN Ra’iisul wasaare Cali Khaliif Galeyr

Muqdisho (SONNA)-Allaha ha u naxariistee marxuum Cali Khaliif Galeyr waxa uu ku dhashay magaalada laasa  caanood ee gobolka Sool sanadka…

Wararka
October 8, 2020

Agaasimaha guud ee Warfaafinta XFS oo London kula kulmay qaar kamid ah saxaafiyiinta

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa magaalada London ee dalka Ingiriiska kulan kula qaatay qaar…

Gudaha
January 7, 2023

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo xaqiijisay xadgudub sharci-daro ah oo lagu beegsaday e-TAS

Muqdisho,(SONNA):- War-saxaafadeed ka soo baxay Hey'adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa lagu xaqiijiyay inay ogaatay xadgudub sharci-darro ah oo lagu beegsaday…

GudahaWararka
November 16, 2025

Todobaadkan iyo Soomaaliya (WARBIXIN)

”Maraykanka oo ugu dambeyn guul ka keenay Soomaaliya” cinwaankaasi oo ay kala qoreen wargeysyada Wall Street Journal & Daily Mail…

GudahaMaqaallada
September 28, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023