Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in barashada farsama gacanta ay ka mid tahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee uu dal ku horumaro, islamarkaana uu Maamulka Gobolka dhiiragelin doonno howlaha farsamada gacanta.
Guddoomiye Madaale ayaa hadalkan jeediyay xilli uu maanta dhagax dhigayay dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta oo laga hirgelin doonno Degmada Wadajir, kaas oo ay si bilaash ah wax uga baran doonan dadka Danta-yar.
Munaasabadda dhagax dhigga Dugsigaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Ku xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Safiir Ku xigeenka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Armaan Ardoga, Maamulka Degmada Wadajir iyo xubna ka socday heyโadda SAFA oo fulinta mashruucan qeyb ka ah.