Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka  oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri
    June 8, 2025
    Wasiir Fiqi :Xilligaan la joogo Khawaarijta waa kuwo firxad ah oo doonaya inay ka baxsadaan goobta dagaalka
    June 8, 2025
    Ciidamada Xoogga Dalka howlgal qorsheysan ku dilay horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha SODMA oo Geneva kaga qayb galay madasha caalamiga Yareynta Khataraha iyo Musiibooyinka
    June 7, 2025
    Guddoomiyaha jannaale: Cadowga Khawaarijta waan dabar jaraynaa
    June 7, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Israa’iil oo duqeymo ka geysatay koonfurta Lubnan
    June 6, 2025
    Xamaas oo muujisay in aysan ku qanacsaneyn qorshaha Maraykanka ee Gaza
    May 30, 2025
    Trump oo xannibay awoodda Jaamacadda Harvard ee diiwaangelinta ardayda caalamka
    May 23, 2025
    Shaqaale ka tirsan Safaaradda Israel oo Washington lagu dilay
    May 22, 2025
    Hawlgallo ka dhan ah Khawaarijta oo ka socda Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe
    May 20, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    ‘Safarka Dalxiiska iyo Nabadda ee Halyeeyada’ (WARBIXIN)
    May 28, 2025
    ‘Macawisleyda gobolka Hiiraan oo muujiyey Dhabar adeeg iyo Geesinimo (WARBIXIN)
    May 24, 2025
    “Janno Aakhira iyo Jiritaan Xornimo u Jahaad gala”
    May 21, 2025
    Xuska 15-ka May ee Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    May 15, 2025
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Ra’iisul wasaare Xamse oo furay kulan ciyaareedka xidigaha halyeeyada Soomaaliya iyo Afrika.
    May 27, 2025
    Wasiirka duulista hawada oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay
    May 27, 2025
    Muqdisho oo berri martigelineysa ciyaaryahanno caalami ah
    May 26, 2025
    Muqdisho oo isu diyaarinaysa soo dhoweynta wafdi sare oo ka socda FIFA iyo CAF
    May 20, 2025
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
Reading: ‘Ma ogolin Taako ka mid ah dhulkeenna uu cadow qaato’ (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > ‘Ma ogolin Taako ka mid ah dhulkeenna uu cadow qaato’ (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

‘Ma ogolin Taako ka mid ah dhulkeenna uu cadow qaato’ (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 16, 2024
9 Min Read
Share

Ingiriisku markuu dhulweynaha Soomalida ku wareejinayay Ethiopia (1954) hababkii uu adeegsaday waxa ka mid ahaa;

  1. In xabsiyada laga buuxiyo dadka indheergaradka Bulshada
  2. In Colaado Qabyaaladeed la dhex dhigo dadka Soomaliyeed, si dhulkaa loo wareejiyo waxa colaado ay weheliyaan dagaalo qabyaaladeed oo aan kala Joogsi laheyn laga bilaabay dhulka Howdka ah, arrintaasi si weyn ayay ugu hirgashay Ingiriiska iyo Xabashida oo markaa damacoodu ahaa inay la wareegaan Dhulka Soomali Galbeed.

Ku darsoo Ingiriisku si uu u bilaabo wareejinta dhulka wuxu xabsiyada u taxaabay Waxgaradkii bulshada, si aanay bulshadu ugu baraarugin waxa ka dhacaya dhulkooda, ragii arrintaasi darteed loo xiray waxa ka mid ahaa Gabyaagii weynaa ee Xaaji Aadan Axmed Afqalooc (AHN), gabyaaga markii la xiray si Bulshada u tuso shirqoolka Ingiriisku la damacsan yahay ee dhulka Soomaliyeed lagu dhaxal wareejinayo, looguna gacan galinayo Gumaystaha Ethiopia waa kii lahaa;

Indhaa fura hurdadu waa waxaad ku ibtilowdeene

Amxaarada iyo gaaladu tashade inaad abaadaane

Afcas baa miyiga loo faraqay laysku aayiro’e!.

71 Sanno kadib Markii Ingiriisku Ethiopia si sharci daro ah ugu wareejiyey Dhulka Somali Galbeed, Ethiopia waxay qorshaynaysaa sidii ay ku heli lahayd Bad iyo Deked ay iyadu leedahay, si ay taasi u gaarto waxay qorshaynaysaa talaabooyin la mid ah kuwii waagaa hore, waxay bilowday in dadka waxgaradka bulshada loo xir xiro, sidoo kale bulshada la isku diro oo arrinta laga dhigo mid u dhaxeysa (Somaliya iyo Somaliland).

Haddaba Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si qoto dheer kaga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya, isagoo fariin u diray shacabka ku nool deegaannada gobollada Waqooyi (Somaliland), oo ku aaddan in ay ka qeyb qaataan difaaca dalka, isagoo ugu baaqay Shacabka Somaliland meel walba ay oo joogaan in ay u istaagaan difaaca dalka, isagoo uga mahadceliyay sida geesinimada, run sheegga, waddaniyadda iyo Soomaalinimada leh ee ay uga dhiidhiyeen damaca gurracan ee Itoobiya.

” Dadka Soomaaliyeed ee Waqooyiga Soomaaliya degan (Somaliland), waxaan rabaa inaan iraahdo Soomaaliyeey 30-sano iyo ka badan ayay odayaasha hadda idin hor socdaayi reerka dhaanka u rareen, waxay idinku yiraahdeen meel barwaaqo ah ayaa geeddigu ku fureynaa, Soomaaliya naga leexiya, ha ina tusina, meel Soomaalidi surin ayna qaadin oo Soomaali joogin oo barwaaqo ah oo roobku ka da’o oo ( ever-gareen ah) ayaa idin geynaa idin ku dhaheen, waa u sacbiseen oo waxaa ku dhahdeen waa saxan tihiine na wada abaarta Soomaaliya iyo kuleelkeeda, meel ka fiican oo ka qurux badan na geeya, 30-sano ayaa daba socoteen, odayaashii sey u sii socdeen mahlako ayay idin ku rideen, waa u jeedaan haadaan bey idinka tuureen, Jinsiyadiinii iyo duriyadiinii ayay cagta mariyeen’ tallaabada xigtayna waxay yiraahdeen dhulkii waa dhiibnay qalaas,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Xamsa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa hadalkaasi ka jeediyay  munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee aasaaska dalladda Waxbarashada F-PENS, isagoo sheegay in Xukuumadda DanQaran ay ahmiyad weyn siisayo horumarinta Waxbarashada dalka, wuxuuna ku ammaanay dalladda dadaalkii ay gelisay kor u qaadista Waxbarashada, waxaa kaloo uu tilmaamay in dhulkii aad u diidi jirteen in gumeystihii ilmihiisa ay ku dhashaan uu maanta mar kale soo hamiyo, isagoo carabka ku adkeeyay in aysan marnaba suurta gal noqon doonin in taako ka mid ah dhulkeenna uu cadow shisheeye qaato ama soo hamiyo.

Muddooyinkii dambe guud ahaan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo qurba joogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka caalamka ayaa wada kulamo iyo isku soo baxyo ay uga horyimaadeen damaca dowladda Itoobiya ee Badda Soomaaliyeed, waxaana jirta in Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Yurub ay ka wada hadleen sidii dalalka Yurub looga dhiga lahaa Banaanbax looga soo horjeedo damaca Gurracan ee Ethiopia.

Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalalka Benelux iyo Midowga Yurub ayaa  kulan isugu yeeray Xubno ka socday Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Belgium, Holland iyo Luxembourg ee la isku yirahdo Benelux, iyadoo laga jawaabayo baaqii uu Madaxweyna JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uga dalbaday Qurbajoogta Soomaaliyeed in ay gutaan doorka kaga aadan xadgudubka ay Ethiopia kula kacday haybadda dawladannimo iyo madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Ujeeddada kulanka ayaa aheyd in Qurbajoogta ku nool wadamada Benelux iyo dhammaan Midowga Yurub in ay is abaabulaan si ay Banaanbaxyo waa weyn oo ka dhan ah Ethipia uga dhigaan wadamada Benelux iyo Yurub, islamarkaana si nabad ah ugu muujiyaan in ay ka soo horjeedaan daandaansiga Dowladda Ethiopia iyo damaceeda ku aadan xadgudub Soomaaliya.

Ku darsoo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso Badda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaoo qaar ka mid ah Madaxda Jaaliyadda oo goobta ka hadlay ayaa si adag uga horyimid is-afgaradka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muse Bixi Cabdi, iyaga oo sheegay in falkaan uu yahay mid ka dhan ah midnimada ummadda Soomaaliyeed, waxayna Jaaliyadda Soomaaliyeed uu ku amaanay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre go’aankii geesimada laheyd ee ay qaateen iyo sida ay uga horyimaadeen damaca liita ee Itoobiya.

Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya waxay weli wadda xoojinta dhinaca diploomaasiyada, waxaana jira shir degdeg ah oo ay yeelneyso Ururka Jaamacadda Carabta oo aan xubin buuxda ka nahay, kaasi oo looga hadlayo damaca gurrcan ee Itoobiya ka leedahay dhulka iyo badda Soomaaliyeed, waxaana arrintaasi ka hadlay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, isagoo sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee  Jaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland, wuxuuna tilmaamay  in shirka laga soo saari doono go’aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.

Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo, si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in shirka laga soo saaro go’aan adag oo gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sidioo kalena lagu taageerayo dhammaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso, si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha, wuxuuna Carabta Carabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta  tallaabo kasta oo ay kaga hortageyso faragelinta Itoobiya, taas oo ah  xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.

ku darsoo Qaar kamida Odayaasha deegaanka Sheekh Aware ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee Badda Soomaaliya. Odayaashan oo qeyb ka ahaa kacdoonka shacabka gobollada Waqooyi ayaa sheegay in aysan badda Soomaaliya ka ogolayn dhibic biyo ah, ciddii isku daydo in ay xoog ku qaadatana ay dhiig u daadinayaan, waxayna intaa ku dareen in dadka u ololeynaya meel marka heshiis ku sheegga ay wada galeen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay xaaladdoodu ku dambeyn doonto sida Falastiin iyo Yuhuudda oo kale, iyagoo cod dheer ku sheegay in aysan aqbali doonin inta uu qof Soomaali ah nool yahay.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Ciidamada Qaranka iyo kuwa degaanka  oo saakay weerar ku qaaday firxadka khawaarijta aagga deegaanka Ceelhareeri

Muqdisho(SONNA);-Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa saakay weerar culus oo dhowr jiho…

June 8, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Wasiirka wasaaradda beeraha dowladda FS oo Marroco uga qaybgalay shirka wasiirada beeraha Afrika

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka wasaaradda beeraha iyo waraabka dowladda FS mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa dalka Marroco uga qaybgalay shirka meertada 33-aad…

GudahaWararka
April 20, 2024

Galmudug oo ay ka billaabatay doorashada 4 kursi oo ka mid ah BFS

Dhuusamareeb-(SONNA)-Qabashada doorashada 4 kursi oo kamid ah golaha shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee lashaaciyay guddigooda xulista ergada 24 kii janaayo…

GudahaWararka
January 25, 2022

Taliye Sanbaloolshe “Waxaan ka shaqeyn doonnaa si kasta oo ay suurtagal u tahay in aan idin qaranmeyno.”

Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Hey’adda Nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, oo duleedka magaalada Beledweyne kula hadlay boqolaal  ka tirsan…

GudahaWararka
January 13, 2025

Taliyaha ciidanka xoogga oo xaqiijiyay qasaaraha ka dhashay weerar argagixiso

Muqdisho(SONNA):-Taliska ciidanka xoogga ayaa xaqijiyay dhimashada 10- kamid ah dhalinyaro dooneysay in ay ku biiraan ciidanka xoogga dalka iyo dhawaca…

GudahaWararka
June 15, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023