Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Guddiga Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJF oo su’aalo weydiiyay Wasiiro ka tirsan XFS
    December 14, 2025
    Tababarkii ugu horeeyay ee Maaliyadda Cimilada oo lagu qabtay Muqdisho
    December 14, 2025
    Shir Dib-u-Eegis loogu sameynayo xaaladda amni ee gobolka oo ka socda Muqdisho
    December 14, 2025
    Maareeyaha Dekedda Muqdisho oo kulan la qaatay Madaxa Fulinta Shirkadda Abu Dhabi Ports Group
    December 14, 2025
    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta qaatay Kaarka Codbixinta Doorashada
    December 14, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
    Qaramada Midoobay oo cambaareysay weerarkii Israel ee masjid ku yaalla Daanta Galbeed
    November 14, 2025
    Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya
    November 7, 2025
    Shacabka Magaalada New York oo doortay duqii ugu horeeyay oo muslim ah
    November 5, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday
    December 9, 2025
    Taariikh nololeedkii: AUN Marxuum Cali Hagarey ( Warbixin)
    December 7, 2025
    Macallinka waa barbaariyaha iyo hagaha Bulshada
    November 22, 2025
    Bixinta Kaararka Doorashada Golaha Deegaanka oo Ka Bilaabatay Muqdisho
    November 16, 2025
    Soomaaliya iyo Aljeeriya oo xoojinaya xiriirkooda
    November 11, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Heshiis ayaa gali kara? (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Heshiis ayaa gali kara? (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Heshiis ayaa gali kara? (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: January 15, 2024
7 Min Read
Share

January 1, 2024-ka magaalada Addis ababa ayaa is-afgarad beenaad ah waxaa ku gaaray Raโ€™iisull Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi, kaasi oo ay qaraar ka soo saareen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, uuna saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, taasi oo ku aadan arintaasi oo lagu sheegay inay tahay wax kama jiraan.

โ€œSoomaaliland heshiis lama gali karo dal sida Ethiopia ah,tallaabadaasi ay qaadeenna waa waxba kama jiraanโ€ayuu yiri Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ahaa Madaxweynihii hore ee Dowladdii ku meel gaarka aheyd, wuxuuna ku tllmaamay heshiiskaasi mid aan soconeyn oo loo qaaday waddo qaldan, โ€œmana jirtoโ€ ayuu yiri โ€œcid qaadaneysa damaca Itoobiya ee badda Sooamaaliyaโ€.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, wuxuuna ugu dambeyn u mahadceliyay dowladaha ka hadlay damaca Itoobiya iyo sida ay u garab taagan yihiin midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Dowladihii ugu dambeeyay ee barbar istaagga waxaa ugu dambeeyay Maraykanka, Sacuudi Caarbiya, Shiinaha iyo kuwa kale, Waaxda arrimaha Afrika ee Wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Mareykanka ayaa war qoraal ah oo lagu daabacay barta X ee ay isticmaasho waxaa lagu yirii:- โ€œMareykanka waxa u taageerayaa midnimada iyo madax-bannaamideed dhuleed ee dowladda Soomaaliya.โ€

Boqortooyada Sacuudi Carabiya bayaan ka soo baxay oo looga hadlay damaca dowladda Itoobiya ee badda Soomaaliya ayaa garab istaag xooggan loogu muujiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo lagu adkeeyay ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada dhulleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Bayaanka ayaa lagu sheegay muhiimadda ay leedahay u hoggaansanaanta mabaadiโ€™da deris-wanaagga, lagana fogaado wax kasta oo xiisadda iyo colaadaha gobolka sii kordhinayo oo laga shaqeeyo nabad-gelyada iyo xasilloonida gobolka, taasoo gacan wanaagsan ka geysanayso horumarinta iskaashiga iyo is-dhexgalka dalalka gobolka.

Dowladda Shiinaha oo markii ugu horreysay ka hadashay damaca dowladda Itoobiya ee Badda Cas, ayaa waxa ay taageero u muujisay dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo sheegtay in ay ilaalinayso mabaadiโ€™da Axdiga Qaramada Midoobay, Iyadoo Afhayeen Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha Mao Ning oo warbaahinta la hadashay ayaa tiri, โ€œShiinuhu wuxuu u taagan yahay ilaalinta ujeedooyinka iyo mabaadiโ€™da Axdiga Qaramada Midoobay wuxuuna ka taageeraa wadamada ilaalinta madax banaanida iyo midnimada dhuleed.โ€

Afhayeenka ayaa sii sheegay in Somaliland ay qeyb ka tahay Soomaaliya, muhiimna ay tahay in la wada ilaaliyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.ย  โ€œShiinuhu waxa uu dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ka taageeraa ilaalinta midnimada qaranka, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed.โ€, ugu dambeyn afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ugu baaqday dalalka geeska in ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka ka taagan, โ€œDhanka kale, waxaan rajaynaynaa in dalalka gobolku ay si wanaagsan u maareeyaan arrimaha gobolka si ay wadahadal diblumaasiyadeed ku gaaraan horumar guud iyagoo yeelanaya iskaashi saaxiibtinimo.โ€

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa markale uga digay dowladda Itoobiya in ay isku daydo in tillaabo u soo qaado badda Soomaaliya,oo ay haddii hadalka ficil ku badasho diyaar dowladda u tahay in Dalka ay difaacdo.

Mudana Xasan Sheekha ayaa cadeeyay in dowladda aysan duulaan ku ahayn Itoobiya,balsa hadeey iska dhaga tirto hadalada loo sheegayo ay shacab iyo dowladba ay u diyaarsan yihiin dicaafa sharafta iyo qarannimada ummadda Soomaaliyeed. โ€œDadka Soomaaliyeed ha u diyaar garoobaan difaaca dhulkooda iyo bad-dooda, Itoobiya haddii ay tallaabo soo qaaddo afar tallaabo ayaan qaadi doonaa, waana isku filanahay.โ€ Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxeyne Xasan Sheekha ayaa sidoo kale ummadda Soomaaliyeed meel walba ay jogaan ugu baaqay in ay difaacdaan Sharafta iyo midnimadooda ayna muujiyaan isku duubni,cadawgana hal meel ay uga soo wada jeestaan. โ€œSoomaaliyeey dhulka yuusan ina dhaafin ee aan difaacanoโ€.ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Mudane Xasan Sheekha ayaa sheegay in dhaqanka Itoobiya ka soo muuqday uu yahay balaayo,geeso la qabtana ay leedahay oo Soomaali meel walba ay joogta loo baahanyahay in ay iska qabato โ€œSoomaaliyeey dhaqanka Itoobiya maanta ka soo muuqda waa balaayo geeso la qabto ayeyna leedahay ee geesaha aan ka qabano.โ€sidaa ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Khudbadii Jimcaha uu jeediyay ku sheegay in Khawaarijta dadka Soomaaliyeed dagaalka kula jiraan iyo dowlada Itoobiya ay yahiin laba cadow oo duulaan ku ah madaxbanaanida, gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, wuxuunaย tilmaamay in dowlad iyo shacaba diyaar loo yahay difaaca sharafka iyo dhowrista qaranimada Soomaaliya, baaqna u diray dhamaan qurbajoogta Soomaaliyeed, waxaa uuna ka codsaday in dowladooda ay ka taageeraan Cadawga oo ay ka mid tahay Itoobiya โ€œ Markey Soomaaliya Qatar gasho adinkaa bad-baadin jiray, Maanta waa maalintiiini waa maalintii laโ€™idin baxsan jirayโ€, โ€ Cadow waa labo,waana Shabaab iyo Itoobiya,waan awoodnaa dowladd iyo shacab Shababkana waan iska celinayna duulaanka dibaddana waan iska celinayna intaba waan isaga filanahayโ€, wuxuuna intaasi ku daray hadalkiisa in aysan gacmaha ka laaban doonin haddii lagu soo xadgudbo qaranimada Soomaaliya.

Dhinaca kale dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweyneynaa shir madaxeedka IGAD ee 18-ka bisha Jannaayo ee looga hadlayo xiisadaha u dhexeeya Soomaaliya,Itoobiya oo salka ku haya damaca Badda iyo sidoo kale xaaladda ka taagan dalka Suudaan,isagoo ku baaqay in la dardar galiyo wada hadalada,si xasiilooni loogu waarta loogu soo dabaalo gobolka.

Dhanka kale Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ah guddoomiyaha Urur goboleedka IGAD ayaa ku baaqay shir degdeg ah oo looga hadlayo arrimaha ka soo cusboonaday gobolka iyo xaaladda adag ee ka taagan dalka Suudaan sidii xal waara loogu heli lahaa colaadda ka aloosan dalkaasi.

Isku soo wada xooriyoo waxaa heshiis dhinac kasta ha ka yimaadee, waxaa wada gali kara laba dowladood, sida uu qabo qanuunka dowliga ah oo ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay, marka yaan la isku daalin taasi, ee ha la iska difaaco damaca Itoobiya iyo kuwa soo hoggaaminiyaba.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Guddiga Miisaaniyadda Labada Aqal ee BJF oo su’aalo weydiiyay Wasiiro ka tirsan XFS

Muqdisho,(SONNA):- Guddiyada Miisaaniyadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ku guda jira diyaarinta…

December 14, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Raโ€™iisul Wasaare Rooble oo ka qeyb galay falanqeyn ku saabsan Waxbarashada oo lagu qabtay London โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Raโ€™isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka mid ah Madaxda ka qeyb qaadaneysa shirka Caalamiga…

GudahaWararka
July 29, 2021

Ciidanka xoogga dalka oo maalintii labaad gurmad ka wada Baydhabo

Baydhabo-(SONNA)-Qeybta 60-aad ee Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa maalantii 2-aad gurmad ugu sameynaya shacabka ay saameeyeen roobabkii ka da'ay Magaalada…

GudahaWararka
November 8, 2023

Deegaanada galbeedka Jowhar oo laga bilaabay hawlgall lagu ciribtirayo khawaariijta

Muqdisho(SONNA):-Kooxda khawaariijta arxanka daran ayaa wajahaya cabsi iyo kala carar ka dib markii ay jab xooggan kala kulmeen gulufka dagaal…

Maqaallada
March 16, 2023

Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaaladda Garacad ee gobolka Mudug โ€œSAWIRROโ€

Muqdisho (SONNA)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Wefti balaaran oo uu hoggaaminaayo ayaa maanta safar shaqo ku…

GudahaWararka
September 10, 2021

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023