Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
    Ciidanka xoogga oo hawlgal ku dilay xubno ka tirsanaa khawaarijta
    January 29, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Warbixinta:-Toddobaadlaha ee JFS ay ka soo saartay dhacdooyinkii dhacay toddobaadkan
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Warbixinta:-Toddobaadlaha ee JFS ay ka soo saartay dhacdooyinkii dhacay toddobaadkan
GudahaWararka

Warbixinta:-Toddobaadlaha ee JFS ay ka soo saartay dhacdooyinkii dhacay toddobaadkan

By shiine Shiine
Last updated: January 12, 2024
8 Min Read
Share

Muqdisho,(SONNA):-Dowladda Soomaaliya ayaa soo saarta warbixin toddobaadle ah oo ay uga hadasho dhacdooyinkii dhacay muddada toddobaadka ah ee la soo dhaafay ,haddab halkaan hoos ka akhriso warbixinta oo toddobaadkaan aad u xiiso badan,waxaana lagu bilaabay sida tan.

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Kumanaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho ayaa isugu soo baxay banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo dowladda Ethiopia oo dhowaan heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira dadaaladda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku muujuneyso diidmadeeda qayaxan ee gardarada Ethiopia, ayaa kulamo la qaatey Wakiilka Midowga Yurub ee Geeska Afrika iyo Danjiraha China u fadhiya Soomaaliya.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo martiqaad ka helay dhiggiisa dalka Masar Abdel Fatah El-Sisi.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Asmara wadahadalo qoto dheer oo la xiriira xaaladda gobolka kula yeeshay Madaxweynaha Eritrea, Isais Afwerki.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharci lagu burinayo heshiiskii sharci darrada ahaa ee Ethiopia la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres oo khadka taleefoonka ku wada hadlay ayaa ka hadlay arrinta ku saabsan xadgudubka ay Itoobiya ku heyso Qaranimada Soomaaliya, iyagoo si gaar ah u sheegay khatarta ka dhalan karta xasiloonida caalamka.

7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaas oo uu kula hadley taliyeyaasha, saraakiisha iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.

8- Mareykanka, Britain, Jamhuuriyadda Djibouti, Sudan, Boqortooyada Sacuudi Caraabiya, Eritrea iyo China oo noqday dalalkii ugu dambeeyay ee la saftay Soomaaliya, xusayna muhimadda dhowrista madaxbanaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, kadib tallaabadii gardarrada ahayd ee Ethiopia la beegsatey Soomaaliya.
9- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo mar kale ku celiyay in marnaba uusan dhul Soomaaliyeed ka gor-gortameynin, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in qof kasta ay waajib ku tahay ilaalinta dhulka , sharafta iyo karaamada dalka.

10- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey shacabka Soomaaliyeed sida dowladdooda ay ugu garab istaageen difaacida dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya.

11- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Raceo Tayyio Erdogan ayaa uga mahadceliyey mowqifka garab istaagga ah ee shacabka iyo dowladdu Turkigu ay ka muujiyeen faro-gelinta iyo xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madaxbannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

12- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Madaxweyne Ku-Xigeenka Midoowga Yurub ahna Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Josep Borrell, isagoo uga mahadceliyey mowqifka adag ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

13- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raโ€™isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo mar kale loo doortay inuu noqdo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland 5-ta sano ee soo socota.

14- Raโ€™iisul Wasaarae Xamsa Cabdi Barre, ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Axmed Bin Maxamed Al-Muwalad oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

15- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tacsiyeeyay geerida marxuum Gaashaanle Cabdi Maxamed Shiikh Xasan (Suulnuug) oo ahaa Abbaandulihii Guutada 18-aad ee GorGor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku shahiiday dagaalka xaqa ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta.

16- Raโ€™iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray Machadka Dacwadda iyo Daraasaadka Islaamka, ayaa sheegay machadkani looga fadhiyo in uu soo saaro aqoonyahan diimeed oo bulshada ku haga jidka saxda ah ee ay shareecadu ina fareyso.

17- Raโ€™iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in damaca iyo faragelinta Ethiopia ee arrimaha Soomaaliya ay dhaliyeen dareen cusub oo la xiriira wadajirka umadda Soomaaliyeed.

18- Urur Goboleedka IGAD oo iclaamiyey shir madaxeed aan caadi ahayn oo ka dhacaya dalka Uganda, oo looga hadlayo faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

19- Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Xuseen Ibraahim Daaha ayaa sheegay in si cad ay uga soo horjeedaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

20- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dalbatay shir deg deg ah ay isugu yimaadaan Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Jaamacadda Carabta si looga wadahadlo xad gudubka Itoobiya ee madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

21- Danjiraha Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa ka qeyb galay shir aan caadi aheyn kaas oo ay iskugu yimaadeen safiiradda wadamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta u fadhiya Nairobi.

22- Shacabka magaalada Boorame ee gobolka Awdal ee Waqooyiga Soomaaliya ayaa dhigay banaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan damaca Ethiopia ee faragelinta madaxbanaanida iyo qaranimada Soomaaliya.

23- Kumannaan shacab ah oo ka careysan faragelinta Ethiopia ayaa isugu soo baxay magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.

24- Odayaasha Dhaqanka degmada Saylac ee gobolka Awdal ayaa si adag uga horyimid Is Afgaradka sharci darrada ah ee Ethiopia ay la gashey Somaliland.

25- Shacabka Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isugu soo baxay banaanbax ay kaga so horjeedaan faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

26- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

27- Qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka Kenya ayaa cambaareeyay xadgudubka Ethiopia kula kacday qaranimada Soomaaliya.

28- Wasiiradda iyo Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda Gobolka Awdal ayaa si cad uga soo horjeestay faragelinta Ethiopia ee qaranimada Soomaaliya.

29- Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa kulan la yeshay Raktarka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof. Xasan Cusmaan Gacal kaas oo ku qotomay xoojinta nidaamka caafimaadka guud ee dalka iyo horumarinta cilmi baarista caafimaadka.

30- Wasiirka Warfaafinta ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama oo u hambalyeeyay shaqaalaha iyo maamulka Wakaaladda Wararka Soomaaliya ee SONNA oo 60-sano jirsatay.

31- Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa duqeyn ka dhacday deegaanka Jeexjeex ee Koofurta gobolka Mudug ku dilay 26 dhagar qabe oo Khawaarijta ka tirsan ,oo uu ku jiro horjoogihii kooxda watay.

32- Hayโ€™adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ku soo qabtey shabakad ka tirsan Khawaarijta Al Shabab oo doonayay inay u tallaabaan Gobolka Galgaduud.

33- Wasiirkii Gaashaandhigga ee maamulka Somaliland Cabdiqani Caateeye ayaa iska casilay xilkiisa,isagoo ka soo horjeeda heshiiskii sharcidarrada ahaa ee dhexmarey Ethiopia iyo maamulka Somaliland.

 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi

Qaar kamid ah masโ€™uuliyiinta Golaha Wasiirada,labada Aqal iyo maamulka Cisbitaalka Erdogan ayaa ka qeybgalay munaasabad…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed OO kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka+Sawirro

Muqdisho (SONNA):-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Madaxweyne…

GudahaWararka
April 26, 2021

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay wakiilka UNDP ee waqtigu ka dhamaaday

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa maanta xafiiskayga Wasaaradda Arrimaha Dibedda…

GudahaSiyaasaddaWararka
March 29, 2023

Wasiirka Warfaafinta oo ka warbixiyay heshiisyadii ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Masar

Qaahira-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya, Daa'uud Aweys Jaamac ayaa faahfaahin ka bixiyay heshiisyadii ay Qaahira ku kala saxiixdeen…

GudahaWararka
January 10, 2023

Guddoomiyaha SoDMA oo la kulmayย isku duwaha Barnaamijka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Urur-Goboleedka IGAD

Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Hayโ€™adda Maareynta Musiibooyinka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Kuwait kula kulmay Isku duwaha Barnaamijka Maareynta Khataraha Musiibooyinka ee Urur-Goboleedka…

GudahaWararka
February 16, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023