Muqdisho (SONNA);-Odayaasha Dhaqanka Gobalada Waqooyi ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga horyimid damaca itoobiya ee badda Soomaaliya.
Odayaasha Dhaqanka reer Saylac ee waqooyiga Soomaaliya oo la hadlay warabahintaย ayaa si adag uga hadlay in Muuse Biixi usan bixin karin dhulkooda,ayna tahay arrin isaga u gaar ah oo aysan la qabin waxgaradka iyo Shacbka ku dhaqan degaannada gobollada Waqooyi.
Waxa ay sheegeen in badda aysan ahayn wax cid walba si fudud isaga bixin karto,ayna tahay dhaxalka jiilka dambe lana aqabli karin damaca gurracan ee itoobiya.
Odayaasha ayaa sidoo kale dhammaan ummadda Soomaliyeed meel walba ay joogaan ugu baaqay in ay u midoobaan, difaaca qarannimada Soomaaliya,oo si cad ugu soo duushay itoobiya.
Damaca liita Itoobiya ee 1-dii bishan magaalada Addis Ababa heshiis beenaad kula gashay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa isa soo taraya sida falcelinta ka imaaneysa dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya, iyadoo lagu tilmaamay mid ku xadgudbay madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.