Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey horumarinta habraacyada Baasaboorka, kaas oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, waxaana kulanka ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Hayโadda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya labada hayโadood, gaar ahaan arrimaha la xiriira baasaboorrada diblomaasiga ah, service-ka iyo kuwa rasmiga ah ee dowladda, habraacyada socdaalka, iyo isdhaafsiga xogaha muhiimka ah si loo dardargeliyo isku duwidda shaqooyinka iyo tayeynta adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta iyo hayโadaha dowladda.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo ka shaqeyn doona horumarinta wada shaqeynta ku saabsan dukumentiyada safarka ee dowladda, arrimaha qunsuliyadaha, iyo fududeynta adeegyada la xiriira socdaalka iyo jinsiyadda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojineyso hayโadaha muhiimka ah ee dalka, korna loogu qaadayo hufnaanta adeegyada dowladeed iyo wada shaqeynta hayโadaha kala duwan.
