Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daaโuud Aweis Jaamac ayaa xafiiskiisa kulan kula qaatey Maareeye Ku-Xigeennada Wakaaladda Madbacadda Qaranka Cabdikariim Maxamed Digaalle (Xanaano )
Wasiirka ayaa masโuuliyiintaasi kala hadley sidii dib rasmi ahaan loogu hawlgelin lahaa adeegyadii ay Madbacadda Qaranka u qaban jirtey dalka, kuwaas oo muhiim u ah habsami u socodka hawlaha dowladda iyo shacabka intaba.
Waxaa Wasiirku uu masโuuliyiintaasi ku booriyay inay soo diyaariyaan qorshaha farsamo ee dib u hawlgelinta adeegyada madbacadda oo hakad uu ku yimid burburkii dalka ka dhacay kadib.
Maareeye Ku-Xigeennada Wakaaladda Madbacadda Qaranka Cabdikariim Maxamed Digaalle (Xanaano ) iyo Maxamed-Deeq Cabdi Madar ( Haldhaa) ayaa dhankooda ballanqaadey inay dar dar gelin doonaan waajibaadkooda hawlgelinta adeegyada Madbacadda, soona dhoweeyay dadaalka Wasiirku ku doonayo in Wakaaladda Madbacadda Qaranka ay bilowdo bixinta adeegyadii loo abuuray.
Kulankaasi waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Cabdullaahi Xayir Ducaale.