Dhuusamarreeb-(SONNA)-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa ku qaabilay qasriga madaxtooyada Galmudug safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Muktaar Mohamed Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo oo soo gaaray caasimadda Dhuusamarreeb.
Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha amniga gaar ahaan la dagaalanka argagxisada, gacansiga iyo masaalxida guud gaar ahaan Galmudug iyo Ethiopia.