Baydhabo (SONNA): Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaar dhow soo gaaray magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.
Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Xildhibaano, Wasiiro ka tirsan Maamulka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan. Guddoomiyaha inta uu ku sugan yahay magaalada Baydhabo waxaa uu kulamo la qaadan doona madaxda maamulka iyo bulshada, si uu ugu dhiirageliyo dagaalka lagula jiro Khawaariijta, isagoo sidoo kale indha-indheyn doona xaaladaha guud ee deegaanka.