Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha
    May 13, 2025
    Wasaaradda shaqada oo Muqdisho ku qabagay aqoon isweydaarsi ku saabsan daryeelka Bulshada 
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulantay danjiraha Turkiga
    May 13, 2025
    Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Madaxa Olombikada Soomaaliyeed
    May 13, 2025
    Wasiirka Gaashaandhigga oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya
    May 13, 2025
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweynaha Mareykanka oo gaaray dalka Sacuudiga
    May 13, 2025
    PKK oo ku dhaqaaqday soo afjaridda collaad 40 sano kala dhaxeysay Turkiga
    May 12, 2025
    Putin oo soo jeediyay in Rashia iyo Ukraine ay kulan toos ah ku yeeshaan Istanbul
    May 11, 2025
    Xiisadda u dhaxeysa India iyo Pakistan oo sii kordheysa
    May 9, 2025
    Dadka Gaza oo wajahaya macluul daran & dhimasho joogto ah
    May 4, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Sahmintii Shidaalka oo heer gabagabo ah soo gaaray (WARBIXIN)
    May 6, 2025
    Xuska 3-da May ee Maalinta Xoriyadda Saxaafadda
    May 3, 2025
    Is-diiwaangali, si aad u hesho xuquuqdaada Codbixinta ee Dastuuriga ah (WARBIXIN)
    April 30, 2025
    Turkiga iyo Soomaaliya oo qalinka ku duugay heshiis Shidaal baaris ah (WARBIXIN)
    April 26, 2025
    ‘Khawaarij Kaba ku Tukade Inta aan ka aqaano ayaa idinkaga filan’ (WARBIXIN)
    April 23, 2025
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Degmada Heliwaa oo 14 dhibcood kaga badisay degmada Laascaanood
    March 1, 2025
    Wasiirka Cadaaladda oo qeyb galay furitaanka Tartanka Wacyigelinta Nabadda iyo Isdhexgalka Dhalinyarada Gobolka Banaadir
    February 17, 2025
    Danjiraha Soomaaliya ee Uganda oo casho sharaf  ku maamuustay ciyaartoyda 17-jirada ah
    December 28, 2024
    Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo dhiirrigelisay xulka Qaranka ee 17-jirada
    December 24, 2024
    Danjiraha JFS ee Uganda oo casho sharaf ku maamuustay ciyaartoyda xulka Qaranka ee da’doodu ka yar tahay 17 sano,
    December 23, 2024
Reading: Madaxweyne Xasan Sh. ayaa ku haminaya in sanad gudihiis lagu ciribtiro Al-Shabaab (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Madaxweyne Xasan Sh. ayaa ku haminaya in sanad gudihiis lagu ciribtiro Al-Shabaab (WARBIXIN)
GudahaMaqaalladaSiyaasadda

Madaxweyne Xasan Sh. ayaa ku haminaya in sanad gudihiis lagu ciribtiro Al-Shabaab (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 7, 2023
7 Min Read
Share

Soomaaliya ayaa heysata hal sano oo Al-Shabaab laga ciribtiri lahaa dalka, laguna soo afjari lahaa 17 sano oo dagaal ah, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay dhamaadkii bishii November. Kooxda Argagixisada ah ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa tan iyo sannadkii 2006-dii ka waday Soomaaliya weeraro, kuwaasi oo sababay dhimashada kumanaan qof iyo barakaca Malaayiin qof, isagoo la hadlayay dad isugu soo baxay machadka Royal United Services Institute ee magaalada London, ayaa sheegay in ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ay ka shaqeynayaan sidii ay dalka uga ciribtiri lahaayeen dagaalyahannada Al-Shabaab ee weli ku harsan dalka, balse dadaalkooda uu caqabad ku yahay fatahaadihii dhawaan soo rogmaday.

ATMIS oo ay ku jiraan ciidamo ka kala socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda ayaa lagu waday inay billaabaan wejigii labaad ee ka bixitaanka dalka bishii September, iyadoo la dhimay 3,000 oo askari. Si kastaba ha ahaatee, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dib u dhigay wajigii labaad ee ka bixitaanka saddex bilood horraantii bishii November. “Waxay ku soo beegantay xilli aan xoogaa dib u dhac ah nagu qabtay, waxaanan ku dhibtoonaynay inaan dib u habeynno,” Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka yiri dib u dhigista. “Laakiin hadda diyaar ayaan u nahay.”

Brig. Gen. Peter Gaetano Omola, oo ah taliyaha ciidamada Uganda ee hoos yimaada ATMIS, ayaa bogaadiyay go’aanka golaha ammaanka. “Xaqiiqdii, ammaanka dalkan waa inuu maalin uun ku jiraa gacanta Soomaalida, laakiin waa inaadan ku degdegin sababtoo ah waxay ku xumaan kartaa ilbiriqsigeeda,” ayuu Omola u sheegay wargeyska Daily Monitor ee ka soo baxa Uganda, balse Madaxweynaha JFS Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku adkeystay mar uu joogay Magaalada London ee Carriga Boqortooyada Ingriiska in dowladdiisu aysan codsan doonin in dib loo dhigo qorshaha bixitaanka ciidamada.

“2024-ka, iyadoo si tartiib-tartiib ah u dhimitaanku uu socdo, waxaan sidoo kale soo saari doonnaa ciidamo, waxaanan dhisi doonnaa wax badan,” Xasan Sh. Maxamuud ayaa yiri. “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan la wareegno mas’uuliyadda amniga dalkeenna.”, Weerarada dhawaan ka dhacay Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday Agoosto 2022-kii, iyadoo milaterigu ay ka dambeeyaan maleeshiyo beeleedyo ku sugan gobollada dhexe ee dalka. Wadashaqeyntaasi waxay gaartay guulihii ugu muhiimsanaa ee dhuleed ee ka dhanka ah al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010-kii. Si kastaba ha ahaatee, weerarada Al-Shabaab ayaa kor u kacay intii lagu guda jiray Wejigii koowaad ee dhimista ciidamada, kaasoo lagu soo gabagabeeyay 2,000 oo askari oo ka baxay dhamaadkii bishii June.

Madaxweyne Dr: Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Wejiga xiga ee howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ay noqon doonaan deegaannada Koonfur Galbeed ee dalka iyo deegaanada maamulka Jubbaland oo ah goob taariikhi ah oo Al-Shabaab ay ku sugan yihiin. “Xaaladda dagaalka lagula jiro al-Shabaab waa mid dhiirri-gelin leh,” ayuu yiri isagoo ku sugan London. “Waxaan aaminsanahay inaan ka adkaan doono al-Shabaab… dhawaan.”

Ma jiraan wax calaamado ah oo muujinaya in al-Shabaab ay wadahadal la yeelan doonaan dowladda Soomaaliya, laakiin Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in taasi ay tahay doorashada uu doorbidayo. “Ugu dambayntii waxa laga yaabaa in ay ku dhamaato wada hadal, halkii ay dil iyo dhaawac u geysan laheyd oo la cayrsan lahaa,” ayuu yiri. warbixintaasi oo ay qortay Waaxda Difaaca Afrika ee Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka.

“Mar walba oo aan guul gaarno waxa ay ku tusinaysaa in aysan si bilaash ah ku iman ee ay ku timid darbi weyn oo Soomaali kali ah jabin weyday, balse lagu jabiyey dadaalkeenna iyo iskaashiga aan la leenahay saaxiibbada caalamka”, sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaarah XFS mudane Xamsa Cabdi Barre, oo hadal ka jeediyay Munaasabadda guusha taariikhiga ee qaadista Cuna-qabataynta hubka Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyey cid walba oo kaalin ka qaadatay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qaybgalay munaasabad loogu mahad celinayay dowladihii codkooda ku taageeray go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha ammaanka Qaramada midoobay ay Cuna-qabataynta hubka uga qaadeen dalkeenna, taasi oo saarnayd muddo ka badan 32 sano, wuxuuna uga mahad celiyay dhammaan dowladihii taageeray go’aankan, garab istaagga ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa dul istaagay halgankii dheeraa ee loo soo galay gaaridda guushan dhaxal galka ah, ahmiyadda go’aankani u leeyahay xaqiijinta Soomaaliya xor ka ah argagixiso iyo qorshaha dowladda ee ilaalinta Hubka, wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay madaxdii iyo hay’adaha dowladda FS ee ka qeyb qaatay gaaridda natiijadan muhiimka ah ,isaga oo xusay in dowladdu ay si dhammeystiran u qaadanayso mas’uuliyadda ilaalinta hubka iyo in aan loo adeegsan wax ka baxsan xoreynta dalka iyo difaaca Qaranka.

qaadista cunaqabateynta waxay Soomaaliya ka faa’ideysaa 5 waxyaabood:-1- La-dagaalanka argagixisada iyo sugida amaanka; 2- Difaaca Qaranka; 3- Dadaalka Nabadda & Xasilinta; 4- Dhaqangelinta sharciga & xakameynta Xuduudaha; 5- Dowlad-dhisidda & Dowladnimada.

“Waa maalin Qaran oo weyn; Waxaa tirmay mid ka mid ah astaamihi ugu waaweynaa ee qaranjabki soo gaaray Soomaaliya 1991-kii; Waxaan la soo laabannay waax weyn oo ka maqneyd gobannimada Soomaaliyeed tan iyo 1992-kii marki Golaha Ammaanka Jamciyadda Quuruumaha ka Dhaxeysa uu saaray Soomaaliya cunaqabteynta hubka”, sidaasi waxaa yiri, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

“Wuxuu ciilku daynayaa saraakiisha iyo iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo si degdeg ah u heli doona hubka iyo saanadda ciidan ee ay u baahan yihiin si ay u maquuniyaan Cadawga Argagixisada Caalamiga ah ee sii dabargo’aya. Waxaan fursad u heli doonnaa in aan si dhib yar u soo iibsanno hubka noocyadiisa kala duwan, si ikhtiyaarkeenna ah, iyada oo aan cidna ku dhegganeyn gacanteenna”, ayuu sii raaciyay Wasiirka.

By, C/lahi Ruush

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Tartamayaasha Dhahar oo caawa u gudbay wareegga 2-aad ee tartanka

WararkaWargayskaWaxbarashada
March 3, 2025

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Banku (SONNA): Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii…

May 13, 2025

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay Bogaadineysa Guusha Geesiyaasha Deegaanka iyo Ciidanka Qaranka

Muqdisho(SONNA):-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si weyn u bogaadineysaa geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo gacan ka…

GudahaWararka
May 2, 2025

Wasiirka kalluumaysiga oo la kulmay wasiirka Beeraha Turkiga

Ankara (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dawladda Federaalka Soomaliya mudane Axmed Xasan Aadan oo booqasho ku…

GudahaWararka
December 17, 2024

Duqa Muqdisho oo ka hadlay sababta dadka looga saarayo dhulka Kaasa Italia

Muqdisho-(SONNA)-Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta…

GudahaWararka
August 1, 2023

Wasiirka dhalinyarada iyo cayaaraha oo kulan la qaatay danjiraha Shiinaha

Muqdisho (SONNA): Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa galabtay Safiirka Safaaradda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane…

GudahaWararka
April 28, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023