Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb
    January 30, 2026
    Maamulka Cisbitaalka Erdogan oo u dabbaaldegay xuska sanadguuradii 12 aad ee aasaaska cisbitaalkaasi
    January 30, 2026
    Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS oo lagu soo dhoweeyay London
    January 30, 2026
    Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya
    January 30, 2026
    wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga
    January 30, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
    Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya
    January 13, 2026
    Wafdi ballaaran oo ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta soo gaaray Muqdisho
    January 6, 2026
    Madaxweyne Erdogan oo helay abaalmarin khuseysa xagga bini’aadanimada
    November 27, 2025
    Qadar oo qabaneysa shirka caalamiga ah ee hal-abuurka waxbarashada
    November 21, 2025
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
    Laascaanood waa Xuddunta Midnimada Dalka
    January 19, 2026
    SONNA: 62 Sanno oo Adeeg Qaran iyo Codka Soomaaliya ee Caalamka
    January 7, 2026
    Markii ay Soomaaliya tallaabo horay u qaadaba maxaa loo Qulbaa? (WARBIXIN)
    January 3, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐–๐š๐๐š๐ฆ๐š๐๐š ๐‚๐š๐ซ๐š๐›๐ญ๐š
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN)ย 
    April 19, 2025
    ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐Œ๐š๐ซ๐ž๐ฒ๐ค๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐‡๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐‡๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ๐ข๐ง๐ž๐ž๐ ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ๐š $๐Ÿ”๐Ÿ–.๐Ÿ“ ๐Œ๐ข๐ฅ๐ฒ๐š๐ง
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Dowladda iyo Saaxiibadeeda Caalamka oo ka goโ€™an dhameystirka Khawaarijta (WARBIXIN)
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
ยฉ2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Dowladda iyo Saaxiibadeeda Caalamka oo ka goโ€™an dhameystirka Khawaarijta (WARBIXIN)
GudahaMaqaallada

Dowladda iyo Saaxiibadeeda Caalamka oo ka goโ€™an dhameystirka Khawaarijta (WARBIXIN)

By Ruush Abdullahi
Last updated: December 5, 2023
8 Min Read
Share

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa saaxiibada caalamiga ayaa howgallo ballaaran ka wada gobollada dalka ee ay khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan, kuwaasi oo lagu dilay Khawaarij badan, iyadoo kuwii ugu dambeeyay ay dhaceen Deegaanno ka tirsan Gobolada Bay, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, waxaana ka xusi karnaa kii qorsheysan oo ay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka sameeyeen deegaanka Daynuunaaye ee gobolka Baay, kaasi oo lagu burburiyo goobo lacago baad ah Khawaarijta ay ugu qaadi jireen dadka shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalkaan waxaa hoggaaminayay Taliyaha Ururka 47-aad ee guutada 8-aad qeybta 60-aad ciidanka dhulka ee Xoogga dalka Soomaaliyeed X/le Axmed Maxamed Nuur (Axmed Dhageey) ayaa sheegay in maleshiyadda Khawaarijta looga burburiyay goobo ay lacago Baad ah ay ka qaadayeen Shacabka oo u dhaxeysa degaannada Moodo โ€“ Moodo iyo Daynuunay ee Gobalka Baay.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal kale oo qorsheysan ka fuliyay deegaannada Adeegoow, Garaar, Warta Doolar, iyo Weeley, oo ka tirsan gobolka Baay, waxaana sidaasi Warbaahinta la wadaagay Taliyaha Ururka 46-aad Guutada 8-aad Qeybta 60-aad ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed X/le Xasan Aadan Maxamed (Xasan Taar), isagoo intaasi raaciyay in howlgalka ay ku bur-buriyeen xarunta diiwaangelinta khawaarijta iyo goob ay lacago baad ah kaga qaadi jireen Shacabka ku dhaqan gobolka Baay.

Deegaano ka tirsan gobolka Baay iyo guud ahaan dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed waxaa ka socdo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta, kuwaasi oo ay iska kaashanayaan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka.

Dhanka kale Ciidanka Xoogga dalka iyo Xoogagga Deegaanka ayaa howlgal sifeyn ah maalintii Labaad ka wada Deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan, ย iyadoo Meydad ay qaadan waayeen Khawaarijta ay yaalaan Waddooyinka, iyadoo Deegaannadii jabka iyo duqeynta loogu geystay Khawaarijta ay shalay loogu tegay meydad cadowgu ka cararay, waxayna Ciidanka sii baacsanayaan haraadiga cadowga.

Howlgalka ay iska kaashadeen ciidanka xoogga iyo saaxiibada caalamka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Hilow Bacaad oo 8 KM u jira Magaalada Halgan ee Gobolka Hiiraan, waxaana halkaas lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta. Ergayga Madaxweynaha Jamhuuriyadda u qaabilsan arrimaha Macawisleyda Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil xoogga dalka ka tirsan ayaa tegay goobihii cadowga lagu jabiyay, waxaana ay ku bogaadiyeen geesiyaasha Qaranka beegsiga Khawaarijta.

โ€œIn ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraanโ€ ayuu lagu yiri qoraalka ka soo Wasaaradda, sidaasina waxaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo faah-faahin dheeri ah looga bixiyay howgalkii ka dhacay gobolka Hiiraan ee lagu dilay Khawaarijta badan.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay in howlgalkaan lagu beegsaday horjoogayaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay Tuuladaan, islamarkaana isku diyaarinayay inay u gudbaan qeybo ka mid ah bartamaha Soomaaliya. โ€œCiidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxaโ€. Ayuu lagu daray qoraalka wasaaradda Warfaafinta.

Ciidanka Qaranka iyo Geesiyaasha dadka deegaanka ayaa hadda wada howlgal ay ku baadi goobayaan Khawaarij baxsad ah, kuwaasi oo ka bad-baaday howlgalka duqeyn ahaa oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad. Taliyaha ururka 183aad Guutada 18aad Gorgor Mohamed Ali Helowle ayaa Howlgal nadiifin ah ka wadaย  Deeganka Beeri yabaal Ilaa iyo Buuraha Jiciboow, waxaana howlkalgaasi lagu dilay Dhagar qabayaal ka tirsan Khawaarijta .

Dhinaca Galguduudna wararka ka imaanaya ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ka tirsan khawaarijta Al-shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal lagu dilay Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, sida uu SONNA u xaqiijiyay Taliyaha Ciidanka deegaanka Cabdulle Maxamuud Cabdi, waxaana howlgalkan fuliyay ciidanka deegaanka oo gacan ka helaya ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ย kaasi oo ahaa mid qorsheysan laguna beegsaday goob khawaarijta ay ku dhibaateynayeen shacabka ku dhaqan halkaasi.

Taliyaha Macawisleyda Degmada Ceeldheer Cabdulle Maxamuud Cabdi ayaa Wakaaladda SONNA u sheegay in howlgalka lagu dilay labo horjooge, iyadoo lagu dhaawacay horjooge Saciid Daaโ€™uud oo khawaarijta u qaabilsan degmadaasi iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana ay ka furteen Kooxdii meesha loogu tegay Hub iyo Rasaas badan. Horjooge Saciid Daaโ€™uud ayuu sheegay taliye Cabdulle Maxamuud Cabdi in maalmo ka hor uu Degmada ka kaxeestay wiil iyo Aabihiis, kuwaas ka mid ahaa ganacsatada degmada Ceeldheer.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-shabaab ayaa Degmada Ceeldheer ka Afduubtay Wiil iyo Aabihiis oo lagu kala magacaabo Cumar Maxamed (Duceysane) oo ah Wiilka iyo Maxamed Cagod oo isna ah Aabaha Wiilka ayaa waxaa la sheegayaa in uu afduubka ka dambeeyay Horjooge Siciid Daaโ€™uud oo ah Nin ay dhibaato badan ku qabaan dadka deegaanka Degmada Ceeldheer

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa howlgallo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wado gobollada Galgaduud iyo Hiiraan halkaas oo 24-tii saac ee la soo dhaafay lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka badan 70 dhagarqabeyaal ah.

Dhanka Mudugna, Abaanduulaha Guutada 18aad Kumaandooska Gor-gor G/Le Suul Nuuge iyo Saraakiil kalee ayaa waxay la hadleen islamarkaana waan waan ay dhex dhigeen Beelo wada dhashay oo walaalo iyo derisba ah, kuwaasi oo isku qabsaday baraak ay dhisteen, iyadoo dagaalka labadaasi beelood waxaa sabab u ah ayaa la leeyahay Khawaarijta Al-Shabaab, iyagoo markaasi doonaya dagaalka lagula jiro uu ka yaraado ama ay dhinac kale u weeciyaan. Khawarijta waxaa ku sii foorara dagaal culus oo dhan walba kaga socda, waxayna isku dayaan inay iska weeciyaan, laakiin taasi waxaa ka hor taga mar waliba Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidanka deegaanka oo is kaashanaya, taasina waxay muujinaysaa guul ay mar walba gaarayaan.

Wasiir Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga Cabdicasis Aala Sacuud ayaa bogaadiyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, waxa uuna carabka ku adkeeyay in Boqortooyada Sucuudiga ay dadaal ugu jirto sidii loo xasillin lahaa Soomaaliya , Wasiirku waxa uu warkaasi sheegay kadib markii uu kula kulmay Magaalada Riyaad dhiggisa Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi oo booqasho ku jooga Dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa Shacabkeeda iyo Saaxiibada Caalamka ayaa waxaa ka goโ€™an dhamaystirka howlgalka Ciribtirka Khawaarijta, kaasi oo hadda laga gaaray Guulo badan, inta dhimanna lagu wado in la soo afjaro dhawaan.

SONNA Editorialย 

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha oo gaaray Dhuusamareeb

Muqdisho(SONNA):-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan…

January 30, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA)ย Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Raโ€™iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Raโ€iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sudan oo la kulmay dhiggiisa dalka Sudan

Muqdisho-(SONNA)-Siihayaha safaarada Soomaaliya ee Sudan danjire Axmed Cabdi Xasan Suudaani ayaa maanta booqasho sharafeed ugu tagay siihayaha safaraada Sudan ee…

GudahaWararka
April 28, 2024

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu rejo wayn ku qabo Dadaaladda Ra’iisul wasaare Rooble ee ku aadan shirka 20-ka bishan.

Muqdisho,(SONNA)- Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya mudane Sharif Sheikh Ahmed ayaa sheegay inuu rejo wanaagsan ka qabo dadaaladda Ra'iisul Waasaraha JFS…

Gudaha
May 18, 2021

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee Magaalada Kismaayo

Kismaayo-(SONNA)-Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo.…

GudahaWararka
November 27, 2023

Wasiirka Dekedaha XFS oo qaabbilay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka badda Soomaaliya Mudane Maxamuud Aadan Geesood ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Safiirka Turkiga ee Jamhuuriyadda Soomaaliya…

GudahaWararka
February 19, 2025

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US:ย 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

ยฉ2023