Muqdisho(SONNA):-Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed mudane Mahad Mohamed Salaad ayaa Soo dhaweeyay go’aanka Golaha Amaanka Qaramada Midoobay ay kaga qaadeen dalkeena Cunaqabataynta Hubka oo muddo dheer saarnayd.
Agaasimaha NISA oo dareensan baaxadda culeyska ay xay-iraaddani ku heysay horumarka ciidan iyo midka amni ee Soomaaliya ayaa yiri”Go’aankan waxa uu ku soo aaday waqti aad muhiim noogu ah dal ahaan iyo dad ahaan maadaama aan ku jirno dagaal aan dalka uga cirib-tireyno Khawaarijta, iyo sidoo kale dadaal aan ku dhiseyno ciidan ku filan amniga guud ee dalka, heysta-na hub dhammeystiran oo dammaanad qaadi kara amniga dalka iyo dadka”.
Mahad Salaad, Agaasimaha NISA ayaa sidoo kale uga ma-hadceliyay Madaxweynaha JFS, Ra’isul Wasaaraha XFS iyo dhammaan masuuliyiinta kale ee Dowladda kaalin-ta muhiimka ah ee ay ka qaateen in la gaaro guushaan taariikhiga ah.