Guriceel-(SONNA)-Guddomiyaha degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud Faarax Cabdi Macallin ayaa xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay nin loo haysto dil dhawaan degmadaas loogu geystay marxuum Cabdullaahi Cali Hudey.
Guddoomiyaha oo u warramayay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgallo dheer iyo dedaallo badan oo ay sameeyeen laamaha amniga iyagoo kaashanaya bulshada qeybaheeda kala duwan ay gacanta kusoo dhigeen gacan ku dhiiglaha afar cisho ka dib, taasina ay Alle ugu mahad celinayaan.
Mudane, Faarax Cabdi Macallin ayaa intaa raaciyay in ay ku wareejin doonaan gacan ku dhiiglaha laamaha cadaaladda si sharciga loogu qaado, wuxuuna intaa raaciyay in tallaabadani ay tahay tan keliya ee ay bulshadu ku kala badbaadi karto amniga lagu adkayn karo.