Muqdisho (SONNA):- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka dirtay diyaarad sidday shixnad gargaar ah oo loogu talagalay dadka shacabka ah ee ku nool degmada Doolow ee gobolka Gado.
Shixnaddaan ayaa gaareysaa illaa todobo tan oo loogu talagalay in la gaarsiiyo dadka ay saameynta ku yeeshay daadadka ka dhashay Roobobka ka’day guud ahaan gobollada dalka gaar ahaan gobolka Gado, oo la sheegay in ay dad ku geeriyoodeen.
Agaasimaha guud ee ka jawaabista xaaladaha degdega ah ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Cabdirashiid Maxamuud Xasan, oo warbaahinta kula hadlay gudaha garoonka Aadan Cadde ayaa sheegay in gargaarkaan loogu talagalay dadka magaalada ee ay saameeyeen fatahaada.
Magaalada Doolow ee gobolka Gedo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ay ka barakaceen dadkii dagnaa, ka dib markii ay ku soo rogamdeen daadad ka dhashay Roobabka ka da’ay magaalada.