Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
EN
Ar
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
    GudahaShow More
    Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud
    March 13, 2026
    Wasaaradda Batroolka XFS oo ka hadashay cabashooyinka dadweynaha ee dhanka shidaalka
    March 13, 2026
    Xuska maalinta caalamiga ah ee cudurada ku dhaca Indhha oo Muqdisho lagu qabtay
    March 13, 2026
    Gubadley iyo Kaaraan oo u gudbay wareegga afar dhammaadka ee tartan cilmiyeedka Ramadaan
    March 13, 2026
    Jaamacadda Carabta oo soo dhaweysay ansixinta Dastuurka Soomaaliya iyo dhaqan-galintiisa.
    March 12, 2026
  • Caalamka
    CaalamkaShow More
    Iran oo jawaab aargoosi ah ka bixisay weerarada Mareykanka iyo Israel
    February 28, 2026
    Türkiye oo dadaal dhexdhexaadin ah ka wadda xiisadda Pakistan iyo Afghanistan
    February 28, 2026
    Hay’adaha Isgaarsiinta Soomaaliya iyo Türkiye oo kala saxiixday heshiis iskaashi
    February 10, 2026
    Dalka Philippines oo ay ku dhufatay duufaanta Basyang
    February 7, 2026
    Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo dhaweeyey go’aanka xukuumadda ee ka dhanka ah UAE
    January 13, 2026
  • Maqaallada
    MaqaalladaShow More
    Markabkii qodista Ceelka Shidaalka Curadka oo ka soo shiracday Turkiye.
    February 16, 2026
    Waa Mas’uuliyad Qaran In La Badbaadiyo 4.6 Milyan oo Soomaali Ah (warbixin)
    February 6, 2026
    Kumoow ahaa Horjooge Cabdullaahi Wadaad?
    January 31, 2026
    Argagixisida Al-shabaab oo Kudhaa Cashar loogu dhigay
    January 25, 2026
    21-ka Janaayo waa maalinta Warfaafinta Soomaaliya
    January 21, 2026
  • Ganacsiga
    GanacsigaShow More
    𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝟏𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐖𝐚𝐝𝐚𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐚𝐛𝐭𝐚
    April 29, 2025
    Waa maxay Starlink oo la siiyay ogolaanshaha? (WARBIXIN) 
    April 19, 2025
    𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐞𝐲𝐤𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚𝐥𝐚 𝐬𝐚𝐱𝐢𝐢𝐱𝐝𝐚𝐲 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐞𝐞𝐝 𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐚 $𝟔𝟖.𝟓 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧
    October 1, 2024
    Shirkii Beijing: Fursadaha Afrika iyo Fursadaha Soomaaliya
    September 26, 2024
    Soomaaliya oo hirgalinaysa Lambarka mideysan ee aqoonsiga canshuur bixiyaha
    August 7, 2024
  • Ciyaaraha
    CiyaarahaShow More
    Soomaaliya oo ka hartay tartanka koobka FIFA Arab Cup 2025
    November 26, 2025
    Xulka Qaranka oo guul weyn ka gaaray dhiggooda Rwanda
    November 24, 2025
    Ciyaar dhex martay xulalka 17-jirka Soomaaliya iyo Itoobiya oo barbar dhac ku soo dhamaatay
    November 21, 2025
    Wasiirka deegaanka XFS oo kulan la qaatay wafdiga Soomaalida ee ka qaybgalay shirka isbedelka cimilada
    November 21, 2025
    Xulka Qaranka Soomaaliya oo isu diyaarinaya kulanka dhigiisa ee Aljeeriya
    October 8, 2025
Reading: Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga
Share
Font ResizerAa
Wakaaladda Wararka Qaranka SoomaaliyeedWakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed
  • ENGLISH
  • ARABIC
Search
  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
Follow US
©2023 || All rights reserved SONNA
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed > Blog > Wararka > Gudaha > Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga
GudahaWararka

Wasaaradda Kalluumeysiga oo war-murtiyeed kasoo saartay shirka golaha maamulka iyo horumarinta kalluumeysiga

By Aadan Sooyaal
Last updated: November 8, 2023
4 Min Read
Share

Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka ayaa shir wada tashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho 6dii – 7dii Bisha November ee 2023, kaas oo ahaa mid lagu dhisayo Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray Dhismaha Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga sida uu qabo sharciga Kalluumeysiga Soomaaliya 2023, xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, horumarinta kalluumeysiga gudaha, kor u qaadidda suuqgeynta kalluunka iyo la dagaallanka Kalluumeysiga shrci darrad.

Shirka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobo wax ku ool ah kuwaas oo hoga tusaaleynta hanaanka ugu wanaagsan ee lagu maareyn karo islamarkaana lagu horumarin karo howlaha la xiriira Kalluumeysiga ee Dhammaan dalka.

1. Goluhu waxa uu isla qaatay ahmiyadda iyo muhiimadda uu lee yahay dhismaha iyo howlgelinta Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

2. Goluhu wuxuu isla qaatay in dowlad goboleed walba uu soo magacaabo xubin kamid noqon doonta kooxda xoghaynta golaha muddo 15 cisho ah, waxaana lagu ballamay in kulanka xiga ee golaha uu dhici doono bisha January ee sannadka 2024, iyadoo shirkaas lagu bandhigi doono xeerarka iyo habraacyada golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

3. Goluhu wuuu isla qaatay in la xoojiyo dhaqangainta, Isku xirka, ka wadatashiga waajibaadka lagu sheegay sharciga Kalluumeysiga gaar ahaan arimaha la xiriira wadashaqeyn, Maamul, Macluumaad, Cilmi-baaris iyo ilaalinta deegaanka Kalluumeysiga iyo noola biyoodka iyo deegaankooda.

4. Goluhu wuxuu isla qaatay sida ku cad sharciga Horumarinta kalluumeysiga Soomaaliyeed ee law 008, in la soo saaro hab-raacyo tilmaamaya wadashaqeynta isla markaana xoojinaya xiriirka, si ay u sahlanaato socodsiinta howlaha golaha iyo Go’aan qaadashadiisa.

5. Goluhu wuxuu isla qaatay in la sameeyo daraasado iyo cilmi baarisyo ku saabsan kheyraadka la ugaarso ee muhiimka ah sida Aargosatada iyo Qubada dhammaan dalka si loo dajiyo qorshe maareyn oo lagu daryeelaayo kheyraadkaas halista ugu jira dabargo’a, waxaana la soo jeediyey in mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Develoment (SSFD) uu fuliyo howshaan.

6. Goluhu wuxuu isla qaatay in wadatashi lagala sameeyo wasaaradaha xubnaha dowladda Federaalka xeerhoosaadyada quseeya sharciga Horumarinta Kalluumeysiga ka hor inta uusan soosaarin Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga ee heer federaal.

7.Golohu wuxuu islaqaatay in safar cilmi korors ah oo la xiriira maamulka iyo horumarinta Kalluumeysiga loo aado Indonesia iyo Tanzania wadamada heysta nadaamka federaalka ee horumarka ka sameeyey Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga kheyraadka badda iyo Maareyntiisa.

8. Goluhu wuxuu farayaa agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha Kallumeysiga ee heer federaal iyo heer dowlaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka (technical working group) in ay si farsama ah uga soo shaqeeyaan howlaha la xiriira mashruuca Badmaal – Somali Sustainable Fisheries Development (SSFD) iyaga oo si dhow ula shaqeynaya xafiiska maamulka mashruuca ee ka tirsan Wasaaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee heer Federaal.

9. Golahu wuxuu go’aan ku gaaray in la sameeyo qorshe qaran oo looga hortagaayo Kalluumeysiga Sharci darrada, hadduu yahay mid gudaha ah iyo mid dibbada ahba.

10. Golaha wuxuu u mahadcelinayaa Khubarrada ka soo qeyb gashay shirka isla markaana tallooyink wax ku ool ah bixiyey.
11. Goluhu wuxuu u mahadcelinayaa Bankiga Adduunka oo mashruuca Badmaal – Somali sustainable Fisheries Development (SSFD) iyo sidoo kale kooxda gacanta ku heysa maamulka mashruuca.

Share This Article
Facebook Email Copy Link Print

MAQAALLADA

Dowladaha caalamka oo diidmo kala horyimid Aqoonsiga sharci-darada ah ee Israa’iil siisay maamulka Somaliland

WararkaWargayska
December 27, 2025

Ciidanka Xoogga oo howlo biyo dhaamin ah ka wada deegaanno dhaca Gaalgaduud

Cutibyo katiran Ciidanka Gorgor ayaa howlo biyo dhaamin ah u sameeyay qoysas badan oo ku…

March 13, 2026

Dowladda FS oo Aw-dheegle Diyaarad kaga soo qaadday dad shacab ah oo ku dhaawacmay Qarax miino Shabaab ay la beegsadeen

Aw-dheegle(SONNA) Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadweynaha degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose oo is garabsanaaya ayaa…

September 7, 2019

Ra’iisalwasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo gaaray Magaalada Baydhabo halkaasoo siwayn loogusoo dhaweeyey

Baydhabo(SONNA) Wafdigan uu hoggaaminayo Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa goor…

September 8, 2019

WARAR DHEERAD AH

Mareykanka oo hakiyay shixnad hub ah oo ku socotay Israel

Xoghayaha Difaaca Mareykanka Lloyd Austin ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in Mareykanka uu hakiyay shixnad hub ah oo ku socotay Israa’iil,…

Caalamka
May 9, 2024

Maamulka degmada Cadaado oo 10 shaqaale ah u tababaray gaadiidka dab-damiska +Sawirro

Cadaado-(SONNA)-Maamulka degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud oo kaashanaya shirkadda Hormuud ayaa 10 shaqaale ah u tababaray sida loogu howl-galo gaadiid…

GudahaWararkaWargayska
September 1, 2021

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay xubno katirsan Bangiga Hormarinta Afrik

Muqdisho(SONNA):-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan dhinaca Khadka Internetka ah ee Aalada  Zoomka) waxaa uu kula…

GudahaWararka
May 3, 2021

Xildhibaannada Golaha Shacabka oo meel-mariyay Hindise Sharciyeedka Cunaqabataynta Maaliyadeed ee Cayiman 

Muqdisho (SONNA) Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kalfadhiga labaad kulankiisa 10-aad ku yeeshay xarruunta Villa Hargeysa…

GudahaWararka
January 14, 2023

Somali National News Agency established in 1964. It is one of the main pillars of the Ministry of Information, Culture, and Tourism.

  • Bogga Hore
  • Gudaha
  • Caalamka
  • Maqaallada
  • Ganacsiga
  • Ciyaaraha
  • SNTV
  • RADIO MOGADISHU
  • WARGEYSKA
  • TOURISM DEPARTMENT

Follow US: 

  • MoICT
  • VILLA SOMALIA
  • OPM SOMALIA

All rights reserved SONNA

©2023