Muqdisho(SONNA):-Boqolaal Qoys ayaa ka barakacay roob daadad watay iyo fatahaado ka dhacay degaano iyo degmooyin katirsan dowlad Goboleedka Jubbaland, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dadkii ku noolaa degaanadaasi
Madaxweyne kuxigeenka 2-aad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Cabduqaadir Xaaji Maxamuud ( Lugadheere) oo la hadlay warbaahinta ayaa sharaxaad ka bixiyay degaannada iyo degmooyinka ugu daran ee uu saameeyeen Roobka daadadka watay iyo fatahaadaha, isaga oo dowladda Soomaaliya iyoย Hayโadaha Caalamiga ah ugu baaqay inay gurmad deg deg ah la soo gaaraan
Xildhibaan Aamino Xuseen Cali oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka oo iyana la hadashay saxaafadda ayaa ku baaqday in gurmad deg deg ah lala gaaro shacabka Gobolka Gedo oo wajahayo xaalad adag oo ka dhalatay fatahaada Roobabka Dayrta
Degaanno badan oo katitsan gobolada dalka waxaa ka curtay roobkii Deyrta kaa oo dhaliyay qasaaro isugu jira dhimasho iyo Barakac xooggan,waxana isa soo tarayo baaqyada loo dirayo dowladda iyo madaxda maamuladaasi si gurmad deg deg ah loola gaari lahaa dadka roobabku sameyeen.