Muqdisho (SONNA): Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya Joacim Waern, iyagoo ka wada hadlay xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Sweden ka taageerto Soomaaliya.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa uga mahadceliyey dowladda Sweden taageerada ay siiso Soomaaliya, waxuuna ku booriyey dowladda Sweden in ay gacan ka geysato qorsheyaasha mudnaanta u leh dowladda, sida xasillinta deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.
Dhankiisa, danjiraha Sweden ayaa muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay in uu dalkiisa ku matalo Soomaaliya, wuxuuna bogaadiyey xiriirka iyo iskaashiga labada dal, isaga oo ballanqaaday inuu ku dadaali doono sidii loo sii horumarin lahaa xiriirkaas.