Muqdisho (SONNA):- Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Anas, ayaa horgeeyey golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya warbixinta sanad maaliyadeedka 2022 oo ah mid ahmiyad gaar ah u leh dalka iyo nidaamka dhaqaalaha wadanka.
Akhrin iyo falanqeyn dheer ka dib golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka 2022-ka ee uu soo gudbi Xisaabiyaha Guud ee dowladda Mudane Anas.
Xisaab xir si rasmi ah loo horgeeyo Golayaasha Dowladda waxaa wadanka ugu dambeysey sanadkii 2017-kii iyada oo wixii intaas ka dambeeyey aan la sameen wax xisaab xir ah.